Mareykanka oo soo saarey qaylo-dhaan la xiriirta weerarada Al-Shabaab

Image

WASHINGTON, US – Al-Shabaab, garabka Al-Qaacida ee Soomaaliya, ayaa kordhineysa ku dhiirananata beegsiga ciidamada Mareykanka, sidda ay sheegtay agaasimaha waaxda mukhaabaraadka AFRICOM ee Heidi Berg.

"Waxaa hubinay in ay jiraan ku talogal ah in la qaado weeraro ka dhan ah Mareykanka," ayuu Jimcadii u sheegtay wariyeyaasha, isagoo xusay "Waxaan daawanay iyadoo ay arrintaas dhaceyso bilooyinkii dambe".

ISIL-Somalia, Boko Xaraam iyo Al-Qaacida waa kooxo halis badan, balse Berg ayaa xustey in Al-Shabaab ay mudan in laga walaaco, waxayna caddeysay in been abuurkeeda uu soo xusuusinayo weeraradii daaraha mataanaha.

"Waxaan haatan xaqiijinay in Al-Shabaab ay tahay kooxda ugu khatarta badan qaarada Afrika marka laga hadlayo awooda ay ku cabsi gelin karto danaha reer Galbeed ee gobol ahaan," ayuu carabka ku adkeysay.

Qaylo-dhaantaan ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii askari Ameerikaan ah uu ku dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab u adeegsatay qarax gaari iyo madaafiic kana dhacay Janaay Cabdalla, gobolka Jubada Hoose.

Taliska AFRICOM ayaa xaqiijiyey in askarigaas uu soo gaarey dhaawac aanan halis ku ahayn in uu dunida baaqi kusii ahaado. War-saxaafadeed ayay ku xustay in duqeyn ay qaadey falkaas kadib ay ku dishay hal Al-Shabaab ahaa.

Bishii Janaayo ee isla sanadkan, Al-Shabaab ayaa dishay saddex Ameerikaan ah kadib weerar ay ku ekeysay saldhiga Manda Bay ee dalka Kenya.

Mas'uuliyiinta ammaanka Mareykanka ayaa horey u sheegay in Al-Shabaab ay taageero ka hesho shaqsiyaad aysan magacaabin oo Kenya jooga.

Mareykanka ayaa haatan quudareynaya in uu duqeymo dhanka cirka ah ka fuliyo gudaha Kenya si uu u bartilmaameedsado xubnaha Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysta degaanka baadiyaha ah ee ismaam goboleedyada Lamu iyo Garissa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM