Mareykanka oo Soomaaliya ka cafinaya qaan dhan hal bilyan oo Doolar

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa Sabtida maanta ah waxay kala saxiixdeen heshiis ay Washington uga dhaafeyso Muqdisho qaan dhan hal bilyan oo Doolar.

Ra'iisul wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa wuxuu goobjoog ka ahaa munsaabadan lagu qabtay Muqdisho gaar ahaan dhismaha safaarada Ameerikaanka ee ku dhextaala xerada Xalane.

Sidda laga soo xigtay qoraal kasoo baxay safaaradda, lacagtaan laga dhaafay Soomaaliya waxaa ku leh saddex hay'addo dowladeed oo Mareykan ah, wallow aan lasoo bandhigin magacyadooda.

Heshiiskan waxaa dhanka Soomaaliya u saxiixay sii-haayaha Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, halka Mareykanka uu qalinka ugu duugay danjire Donald Yamamota.

"Maanta Safiirka Mareykanka Yamamoto iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Beileh waxay ku kulmeen magaalada Muqdisho, waxayna kala saxiixdeen heshiis labo geesood ah oo ku saabsan yareynta iyo dib u qaabeynta deynta ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku leeyihiin seddex hay’adood oo ka tirsan dowlada Mareykanka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in go'aanka deyn dhaafitaanka uu ka dambeeyay markii Soomaaliya ay horumar ka sameysay geedi u socodka.

"Saxiixidda heshiiskan waxay suurtagal maxaa yeelay Soomaaliya waxay hirgelisay dib-u-habeyn ballaaran oo xagga dhaqaalaha ah sannadihii la soo dhaafay iyadoo bishii Maarso ee sannadka 2020 ay gaartay heerkii ugu horreeyay ee deyn cafinta, oo loo yaqaan "Barta Go'aanka," iyada oo loo marayo Hindisaha Dalalka Liita ee Saboolka ah. Markii ay Soomaaliya gaarto heerka ugu dambeeya, “Barta Dhamaystirka,” Mareykanka wuxuu cafin doonaa in ka badan 1 bilyan oo deyn ah," ayaa la raaciyey.

Deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka oo ku dhow shan bilyan oo Doolar waxaa geedi u socodkeeda uu socdaa muddo sanado ah.

"Waxaan ku bogaadineynaa dowladda federaalka Soomaaliya horumarka ay ka sameysay dib-u-qaabeynta dhaqaalaha. Ka shaqeynta geedi u socodka deyn cafinta wuxuu Soomaaliya u ogolaanayaa taageero ay Hay'addaha Caalamiga ah ee Dhaqaalaha ku sameeyaan maalgeshi hoos u dhiga saboolnimada sarrena u qaada dhaqaalaha," ayay la raaciyey bayaanka.

Qoraalka ayaa lagu soo gabagabeeyay: "Mareykanka wuxuu sii ahaan doonaa xulafo ay ka go'an tahay taageerada Soomaaliya, wuxuuna ku faraxsan yahay doorka uu ku yeelanayo xaqiijinta horumarka Dadka Soomaaliyeed".

Deynta waqti xaadirkan ay Soomaaliya ku leeyihiin qaar kamid ah dowladaha caalamka waxaa la sheegay in ay badankeeda qaadatay dowladii kacaanka ee uu hogaaminayey Siyaad Barre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Ganacsatada Boosaaso Ku Wargeliyay in Aanay Dhaqaale Siin Daacish

Isagoo hadalkiisa sii wata, Deni ayaa xusay in qaar ka mid ah ganacsatada Puntland ay dalka ka baxsadeen sababo la xiriira cabsida Daacish.

  • Soomaliya

    13-03-2025

  • 09:02AM

Maxaa kusoo kordhay weerarkii Hotel-ka Qaahira ee magaaladda Beledweyne?

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxyada iyo rasaasta ayaa ka dhigtay deegaanka mid kacsan oo kala carar iyo jahwareer ka jiraan.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 02:00PM