Mareykanka oo wadahadal la galaya dalalka ku lugta siyaasada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa inay shir u qabato dalalka shisheeye ee lugta leh siyaasadda Soomaaliya si loo mideeyo kaalamadda dhinac kasta oo ay siiyaan dalkan ay dagaalladu la degeen.

Safiirka cusub ee Mareykanka usoo diray dhawaan Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa tibaaxay in ujeedka shirkaan uu yahay in wadahadal ay yeeshaan wadamadaan si mid kasta uu usoo bandhigo taageeradiisa.

Danjiraha ayaa daboolka ka qaaday dhamaan dalalka ay ka siman yihiin inay doonaya asidii Soomaaliya ay unoqon lahayd meel nabad ah oo amaan ah, inkasta oo uusan meesha ka saarin mid walba uu danihiisa eegayo.

Yamamoto oo xafiiska jooga maalmo ayaa si cad daaha uga rogay in siyaasadda wadanka ay haatan ku socoto jiho wanaagsan, isaga oo ku tartarsiiyay saaxiibada Soomaaliya inay maskaxooda iyo waqtigooda mideeyaan.

“Aniga miyaa?...Haa, kaliya waxaa ii muuqda nabad iyo barwaaqo,” ayuu ku jawaabay markii la su’aalay aragti ahaan waxa uu ka filayo siyaasada Soomaaliya sanadaha soo socda, xili uu uwaramayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Hadalka Safiirka Mareykanka ayaa imaanaya xili dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Turkiga, Qadar, Imaaraadka iyo qaar kale oo badan ay ku baratamayaan sidii ay gacanta sare ugu lahaan lahayaeen siyaasadda wadanka Soomaaliya.

Mareykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa ka taageera xukuumadda Muqdisho dhinacyadda amniga, siyaasada, iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada xili ay ku bixiyaan dhaqaalo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM