Mareykanka oo wadahadal la galaya dalalka ku lugta siyaasada Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa dooneysa inay shir u qabato dalalka shisheeye ee lugta leh siyaasadda Soomaaliya si loo mideeyo kaalamadda dhinac kasta oo ay siiyaan dalkan ay dagaalladu la degeen.

Safiirka cusub ee Mareykanka usoo diray dhawaan Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa tibaaxay in ujeedka shirkaan uu yahay in wadahadal ay yeeshaan wadamadaan si mid kasta uu usoo bandhigo taageeradiisa.

Danjiraha ayaa daboolka ka qaaday dhamaan dalalka ay ka siman yihiin inay doonaya asidii Soomaaliya ay unoqon lahayd meel nabad ah oo amaan ah, inkasta oo uusan meesha ka saarin mid walba uu danihiisa eegayo.

Yamamoto oo xafiiska jooga maalmo ayaa si cad daaha uga rogay in siyaasadda wadanka ay haatan ku socoto jiho wanaagsan, isaga oo ku tartarsiiyay saaxiibada Soomaaliya inay maskaxooda iyo waqtigooda mideeyaan.

“Aniga miyaa?...Haa, kaliya waxaa ii muuqda nabad iyo barwaaqo,” ayuu ku jawaabay markii la su’aalay aragti ahaan waxa uu ka filayo siyaasada Soomaaliya sanadaha soo socda, xili uu uwaramayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Hadalka Safiirka Mareykanka ayaa imaanaya xili dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Turkiga, Qadar, Imaaraadka iyo qaar kale oo badan ay ku baratamayaan sidii ay gacanta sare ugu lahaan lahayaeen siyaasadda wadanka Soomaaliya.

Mareykanka iyo dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa ka taageera xukuumadda Muqdisho dhinacyadda amniga, siyaasada, iyo la dagaalanka kooxaha argagaxisada xili ay ku bixiyaan dhaqaalo badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM