Mareykanka oo war kasoo saarey duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa ka hadlay weeraro cirka ah oo xalay saqdii dhexe uu ka fuliyey degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Illo sirdoon ayaa xaqiijiyey in duqaymaha ay gaarayeen 4. Labo kamid ah waxaa ay ka dhaceen tuulada Kuunya Barrow, halka labada kale laga soo kala wariyay Janaalle iyo Awdheegle.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFFRICOM ayaa lagu shaaciyay in duqaymaha ay la beegsadeen kontaroolo iyo xarumo ay xoogaga Shabaab ku qaadi jirtay lacagaha ay ugu yeerto Zakawaadka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in afartaasi howlgal lagu khaarijiyey labo kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, laguna burburiyay xarumahaasi.

"Burburinta xarumaha ay lacagaha sharci darada ah ku qaadi jirtay waxay saameyneysaa awooda howlgalada dhaqaale ee Al-Shabaab, qorashada dagaalamayaal cusub iyo gulufyadooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM ayaa ku adkeysaneysa in duqaymahaasi aaney waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

"Duqeymaha waxa ay ka hortagayaan weeraro ay mustaqbalka soo qaado argagxisada," ayuu yiri Gregg Olson, agaasimaha howlgalada ee taliska Mareykanka ee Afrika, sida ku cad qoraalka.

Hadalka AFRICOM ayaa kusoo beegmaya iyada oo mas'uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ay sheegeen in duqeymahaasi lagu dilay 100 dagaalame oo Al-Shabaab ah, inkasta oo kooxdu sheegayso in rayid lagu "laayey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM

Masar iyo Jabuuti oo Mar Kale Xaqiijiyay Taageerada Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya

Wasiirradu waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda hay’adaha sharciyeysan ee dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 08:05AM