Mareykanka oo war kasoo saarey duqeyn uu ka fuliyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ayaa ka hadlay weeraro cirka ah oo xalay saqdii dhexe uu ka fuliyey degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Illo sirdoon ayaa xaqiijiyey in duqaymaha ay gaarayeen 4. Labo kamid ah waxaa ay ka dhaceen tuulada Kuunya Barrow, halka labada kale laga soo kala wariyay Janaalle iyo Awdheegle.

War qoraal ah oo kasoo baxay AFFRICOM ayaa lagu shaaciyay in duqaymaha ay la beegsadeen kontaroolo iyo xarumo ay xoogaga Shabaab ku qaadi jirtay lacagaha ay ugu yeerto Zakawaadka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in afartaasi howlgal lagu khaarijiyey labo kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, laguna burburiyay xarumahaasi.

"Burburinta xarumaha ay lacagaha sharci darada ah ku qaadi jirtay waxay saameyneysaa awooda howlgalada dhaqaale ee Al-Shabaab, qorashada dagaalamayaal cusub iyo gulufyadooda," ayaa lagu yiri bayaanka.

AFRICOM ayaa ku adkeysaneysa in duqaymahaasi aaney waxyeelo kasoo gaarin dad shacab ah.

"Duqeymaha waxa ay ka hortagayaan weeraro ay mustaqbalka soo qaado argagxisada," ayuu yiri Gregg Olson, agaasimaha howlgalada ee taliska Mareykanka ee Afrika, sida ku cad qoraalka.

Hadalka AFRICOM ayaa kusoo beegmaya iyada oo mas'uuliyiinta gobolka Shabeellaha Hoose ay sheegeen in duqeymahaasi lagu dilay 100 dagaalame oo Al-Shabaab ah, inkasta oo kooxdu sheegayso in rayid lagu "laayey".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM