Mareykanka oo xukun ku riday askari Soomaali oo dil geystay

Image

WASHINGTONG, US – Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Maxamed Nuur oo ah askari asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda waxay ku xukuntay 12-sano iyo sanad iyo bar oo xabsi ah.

Nuur ayaa waxay bishii April Nuur ku heshay dambiyada heerka saddexaad iyo midka labaad ee dilalka.

Eedeynta heerka labaad ayaa waxay tahay in uu si ola kac a u dilay Justine Damon oo u dhalatay dalka Australia.

Balse Maxamed ayaa waxaa lagu waayey dambi kale oo halis ahaa, kaasoo ahaa heerka koowaad ee dilalka.

Dambigaasi hadii lagu heli lahaa waxa uu wajihi lahaa 11 illaa iy 15-sano oo xabsi ah, balse nasiib wanaag waa lagu waayey.

Sikastaba ha ahaatee, Maxamed Nuur ayaa kamid ahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed ee qaabka qaxootinimada ku gashay Mareykanka ee ku biirtay bileyska waddanka Mareykanka.

Marxuumadda Justine Damon ayaa waxay xiliga uu dilku dhacayey isku diyaarineysa aqal-galkeeda iyadda oo lagu mehriyay ninkii ay is-guursan lahaayeen kaasi oo ka naxay dilkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM