Mareykanka oo xukun ku riday askari Soomaali oo dil geystay

Image

WASHINGTONG, US – Maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ayaa Maxamed Nuur oo ah askari asal ahaan Soomaaliya kasoo jeeda waxay ku xukuntay 12-sano iyo sanad iyo bar oo xabsi ah.

Nuur ayaa waxay bishii April Nuur ku heshay dambiyada heerka saddexaad iyo midka labaad ee dilalka.

Eedeynta heerka labaad ayaa waxay tahay in uu si ola kac a u dilay Justine Damon oo u dhalatay dalka Australia.

Balse Maxamed ayaa waxaa lagu waayey dambi kale oo halis ahaa, kaasoo ahaa heerka koowaad ee dilalka.

Dambigaasi hadii lagu heli lahaa waxa uu wajihi lahaa 11 illaa iy 15-sano oo xabsi ah, balse nasiib wanaag waa lagu waayey.

Sikastaba ha ahaatee, Maxamed Nuur ayaa kamid ahaa dhalinyaradda Soomaaliyeed ee qaabka qaxootinimada ku gashay Mareykanka ee ku biirtay bileyska waddanka Mareykanka.

Marxuumadda Justine Damon ayaa waxay xiliga uu dilku dhacayey isku diyaarineysa aqal-galkeeda iyadda oo lagu mehriyay ninkii ay is-guursan lahaayeen kaasi oo ka naxay dilkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM