Mareykanka: Kala qeybsanaan ka dhalayay duqeymaha Soomaaliya

Image
Senetor Chris Murphy waa xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xiriirka Dibadda. [Photo: Getty Images]

NEW YORK, USA - Xildhibaanada ugu sareeya Dimuqraadiga ayaa todobaadkan diirada saarey duqeyntii ugu dambeysay ee maamulka Biden ka fuliyey Soomaaliya, iyagoo su'aal geliyey sharciyadda howlgalka waxayna ku doodeen in ay hoos u dhigeyso rabitaanka madaxweynaha ee ah inuu bedelo "ruqsadaha dagaal ee waqtigiisu dhacay".

Pentagon-ka ayaa qiil u yeelay weerarada oo lagu bartilmaameedsanayay garabka Al-Qaacida ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo ka codsanaya Ruqsadda Adeegsiga Xoogga Milatari ee 2001 ee ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada ee weeraray Mareykanka kadib dhacdadii daaraha mataanaha ee loo garan og-yahay 9/11.

Dimuqraadiyiinta, oo muddo dheer ku adkeysanayay in oggolaanshaha 2001 uusan habooneyn 20 sano kadib markii Mareykanku uu duulaanka ku qaaday Afghanistan, ayaa sheegay in maamulka Biden uusan laheyn awood uu duqeymo kaga fuliyo Soomaaliya.

"Haddii aad dooneysid in aad duqeymo ka fulisid Soomaaliya, u imow Congress-ka si aad u hesho oggolaansho. Haddii aad rabto inaad ka qaybgasho dagaallada ka socda Soomaaliya shanta sano ee soo socota, kaalay oo sharax sababta ay taasi muhiim u tahay oo kaalay oo hel oggolaansho cad," ayuu yiri Senetor Chris Murphy (D-Conn.).

Murphy, xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xiriirka Dibadda, ayaa raaciyey: "Fekran oo ah mid dhibaato badan waa mid sidoo kale mudan in aan wax badan iska waydiino, waa halis in Congress-ka aqbalo.

Kala qeybsanaanta xisbiyada Mareykanka

Kaliya todobaadkii lasoo dhaafay, maamulka Biden ayaa tan iyo markii xafiiska uu yimid wuxuu gobolka Mudug ka geystay laba duqeyn kuwaasoo lala beegsaday maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Labada duqeyn, Gen. Stephen Townsend, madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa saxiixay fulintooda. Tani waxay kasoo horjeedaa wacadkii Biden ee ahaa in uu isaga gaarayo go'aanka u dambeeya.

Jamhuuriyeyaashu way difaaceen oo ay bogaadiyeen duqeymaha maamulka, sida ay inta badan sameeyeen tan iyo markii Biden uu noqday madaxweynaha. Arrinta awoodaha dagaal, sharci-dajiyayaasha Senate-ka waxay guud ahaan taageereen awoodda madaxweynenimo ee la ballaariyey si uu u fuliyo hawlgallo dhanka militariga ah.

"Uma maleynayo in madaxweynuhu u baahan yahay sharci ay soo saaraan koongareeska si loo bartilmaameedsado argagixisada halista ku ah Mareykanka, meel kasta oo ay adduunka ka joogaan," ayuu yiri Sen. Marco Rubio (R-Fla.), gudoomiye ku xigeenka Gudiga Sirdoonka Guurtida. "Gaar ahaan haddii ay tahay hal mar, hawlgal bartilmaameed ah, ma ahan xaalad militari oo buuxda".

Weeraradaas dhanka cirka ahaa ayaa waaxda difaaca Mareykanku sheegtay in lagu taageerayey ciidamada Soomaaliya ee Mareykanku tababaray ee loo yaqaan Danab ka dib markii ay iska-hor-imaad xooggan kala kulmeen maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan aaga Galmudug halkaasoo muddooyinkii u dambeeyay howlgalo ka socdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay agagaarka degmada Bulo Burte

Dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin tirada xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay duqeymahaas uu fuliyay Mareykanka.

  • Soomaliya

    22-02-2025

  • 07:53AM

Axmed Madoobe oo eedeyn culus u jeediyay dowladda Soomaaliya

Dowladda Xasan Sheekh ayaa sidoo kale dagaal kula jirta Puntland oo ah hooyada Federaalka dalka oo soo jirtay tan iyo 1998.

  • Soomaliya

    20-02-2025

  • 11:37AM