Markab laga leeyahay Iran oo lagu qarxiyey Mediterranean-ka
TEHRAN, Iran – Markab laga leeyahay Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran oo ah nooca konteerada qaada ayaa waxyeello kasoo gaartay weerar ka dhacay badda Mediterranean-ka, sidda ay Jimcadii sheegtay shirkadda maraakiibta ee ay dawladda maamusho.
Shirkadda ayaa intaas ku dartay in ay qaadi doonto tallaabo sharci ah oo lagu ogaanayo kuwa ka dambeeyay waxa ay ugu yeertay "argagixisanimada" iyo burcad badeednimadda.
"Markabka Shahre Kord ayaa waxyeello yar ay ka soo gaartay dhacdadii Arbacada oo walax qarxa ay sababtay kana dhasheen dab yar, laakiin cid saarneyd oo wax ku noqotay ma jirto," ayuu yiri afhayeenka, Cali Ghiasian, sidda ay warisay warbaahinta dawladda.
Wuxuu ku daray: "Falalka argagixiso ee noocan oo kale ah waxay u dhigmayaan burcad badeedka badda, waxayna ka soo horjeedaan sharciga caalamiga ah ee amniga maraakiibta ganacsiga, waxaana la qaadi doonaa talaabo sharci ah oo lagu ogaanayo kuwa ka dambeeyay falkaas iyada oo loo marayo hay'adaha caalamiga ah ee ay quseyso".
"Markabku wuxuu ku sii jeeday Yurub markii weerarku dhacay wuxuuna u dhaqaaqi doonaa meeshii uu u socday markii dayactir lagu sameeyo," ayuu raaciyay.
Laba ilo wareed oo amniga badaha ah ayaa u sheegay Al Jazeera in tilmaamaha ugu horreeya ay muujinayaan in markabka konteenarrada Iran laga leeyahay ay si ola kac ah loo bartilmaameedsaday, balse lama ogga cidda geysatay.
Dhacdadan ayaa imaaneysa labo todobaad kadib markab laga leeyahay Israel oo lagu magacaabo MV Helios Ray uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan.
Sababta wali lama cadeyn, inkasta oo sarkaal ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka uu sheegay in qaraxa uu horseeday burbur xooggan. Israel ayaa ku eedeysay Iran inay ka dambeysay qaraxa, wallow eedaas ay beenisay.
Mas'uuliyiinta Israel kama jawaabin markii la weydiiyay haddii Yahuuda ay ku lug lahaayeen beegsiga Shahre Kord ee ay soo warisay Iran.
Illo wareedyo saddexaad ee ilaalada badda ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex markab oo kale oo Iran laga leeyahay ay toddobaadyadii la soo dhaafay waxyeelo u geysteen sababo aan la garanayn markii ay ka soo shiraacdeen Badda Cas.
GAROWE ONLINE