Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Image

CADAN, Yemen – Masuuliyiinta dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in koox hubeysan ay afduubteen markab shidaal oo marayay xeebaha dalkaas, iyadoo markabkaasna loo weeciyay dhanka biyaha Soomaaliya, sida ay werisay wakaaladda wararka ee News.Az.

Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Yemen ayaa sheegay Sabtidii in markabka lagu magacaabo M/T EUREKA laga qabsaday meel ka baxsan xeebaha gobolka Shabwa. Koox hubeysan oo aan weli heybtooda la garan ayaa gudaha u galay markabka, iyagoo si buuxda ula wareegay gacan ku hayntiisa.

Afduubka ayaa ka dhacay xeebaha gobolka Shabwa ee Yemen, halkaas oo maraakiibta ganacsiga ay si joogto ah uga gudbaan. Wararka ayaa tilmaamaya in markabka loo weeciyay dhanka Gacanka Cadmeed, iyadoo loo soo wado biyaha u dhow Soomaaliya.

Masuuliyiinta Yemen ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa markabka, ayna wadaan dadaallo lagu ogaanayo halka uu ku sugan yahay. Sidoo kale, waxaa socda qorshayaal lagu doonayo in lagu badbaadiyo markabka iyo shaqaalaha saaran.

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Related Articles

Dalal Muslimiin ah oo cambaareeyay safaarad Somaliland sheegtay inay ka furanayso Qudus

Waxay sidoo kale si cad u diideen tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo ay sheegeen in ay wiiqayso madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 12:54PM

Shacabka Muqdisho oo loo oggolaaday inay Codkooda ku soo doortaan Madaxda Degmooyinka

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaallo lagu dhisayo goleyaal deegaan iyo doorashooyin ka hirgala gobolka Banaadir.

  • Soomaliya

    24-05-2026

  • 09:33AM