Cali Mahdi oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda janaasada ku tukaday, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii hore ee dalka Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo Aas-Qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Diyaaraddii sidday Maydka Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Mahdi Maxamed waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Maxamuud Maxamed.

Sidoo kale, waxaa kasoo muuqdey Madaxweyneyaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra'iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre.

Mudaneyaal ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, siyaasiyiin ay musharaxiin madaxwayne qaarkood yihiin Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, Ehelada Marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa sidoo kale ka qeybgalay.

Marxuum Cali Mahdi oo safmareenka Coronavirus awgii ugu geeriyoodey magaaladda Nairobi ee caasimadda Kenya ayaa lagu aasay qabuuro ku yaala xaafadda Towqiif ee magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay in isaga uu dalbadey in lagu aas kahor inta uusan geeriyoon.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM