Maryan Qaasim oo si kulul ugu jawaabtay Sheekh Umal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya, Dr Maryan Qaasim ayaa ka jawaabtay hadal kasoo yeeray Sheekh Umal.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah Gudi taakuleyn, oo dhawaan Muqdisho keenay lacag laga soo aruuriyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, ayaa ka hadlay Iscasilaadda Maryan Qaasim.

Sheekh Umal ayaa sheegay in hadii Maryan Qaasim isku casishay deeqdaasi "maxaa aniga la igu dhiibi waayay lacagta"? ay ahayd mar hore in shaqada laga eryo, oo aysanba soo joogin Xafiiska Wasaaradda.

Sheekh Maxamed Umal oo ka hadlay Iscasilaadda Maryan Qaasim

"Hadii Wasiiradda ay isku-casilayso inyaroo masiinta loogu tala galay, taas waaba in la eryaba," ayuu yiri Sheekh Umal oo ka jawaabayay Su'aal la waydiiyay oo ahayd in xilkeeda wadaadu ka boobeen.

Maryan Qaasim ayaa Sheekh Umal ugu jawaabtay Luuqad uu aad u yaqaano, oo ah ayaad qur'aan ah, oo ku leedahay haka hadlin waxaadan aqoon iyo cilmi u lahayn. 

Hadallada ay is dhaafsadeen Umal iyo Maryan Qaasim ayaa hareeyay baraha bulshada ee Internet-ka, iyadoo dadweynaha siyaabo kala duwan uga falcelinayay hadlka wadaadka iyo jawaabta Maryan bixisay.

Maalintii Arbaco ee lasoo dhaafay, 15-kii November 2017, ayaa Maryan Qaasim si rasmi ah isaga casishay xilka ay ka haysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sababtuna ku sheegtay duruufo u gaar ah.

Maryan Qaasim oo kamid ahayd Wasiiradda dhanka Madaxweyne Farmaajo kasoo galay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa Iscasilaadeeda deg dega ah ka dambaysay markii fadhiid laga dhigay Wasaaradeeda.

Warsidaha Garowe Online oo u kuurgalay Iscasilaadda Maryan Qaasim ayaa ogaaday in go'aanka Maryan Qaasim uu ahaa mid ka dhashay Faragelin lagu sameeyay howlahii loo igmadey. 

Xafiiska Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa la wareegay howlaha gargaarka iyo gurmadka dadkii ku dhaawacmay qaraxii Zoobe, 14-kii October, iyadoo la sameeyay gudi xafiiska Ra'isal wasaaraha u qaabilsan arimaha Gargaarka bini'aadnimo.

Mudane Khayre ayaa u igmaday Yaxye Cali Ibraahim, Xogyahihii joogtada ee laga soo eryay Shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya iyo Sheekh Nuur Baaruud Gurxan howsha gurmadka gaar ahaan arinta dadkii dhibaatada kasoo gaary qaraxii Zoobe.

Tani ayaa ka dhigtay Maryan Qaasim Wasiir fadhiid ah, oo shaqadiisu ay hayaan dad kale, ugu dambeyntiina ku kaliftay inay is-casisho, iyadoo sheegtay in isbarbar-yaac ka jirto Xukuumadda Khayre.

Dadka u dhoon-daloola Arrimaha Siyaasadda ayaa ku micneeyay Iscasilaadda Maryan Qaasim mid billow u ah khalkhal siyaasdeed ee lasoo gudboonaadey Xukuumadda Khayre, maadaama labo wasiir mudo bil gudaheeda isku casileen halka Sadex taliye ee ka tirsan laamaha amniga shaqada laga qaadey, iyadoo ay jiraan dhinaca kale Wasiiro aan maqsuud aheyn madaama faragalin toos ah lagu hayo howlahooda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM