Mas'uul isku day kaga badbaadey magaalada Baydhabo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiye gobol ku yaala Soomaaliya ayaa ka badbaadey Sabtida maanta ah wuxuu ka badbaadey qarax is-miidaamin oo ay ugu yaraan ku naf-waayeen saddex, kuna dhaawacmeen laba ilaaladiisa ahaa.

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen falkaas oo ka dhacay banaanka Hotel ku yaala xarunta ku meelgaarka Koonfur Galbeed Baydhabo.

Sidda ay sheegayaan warar horudhac ah, is-miidaamiyaha ayaa beegsaday kolanyo galbineysay mas'uulka oo waqtigaas kasoo baxay Hoteelka aadka loo ilaaliyo.

"Cali Wardheere Dooyow, guddoomiyaha gobolka Baay, wuxuu ahaa bartilmaameedka. Guddoomiyaha ma uusan dhaawacmin, balse laba kamid ah ilaaladiisa waxay dhaawacmeen, midna uu dhintay," ayuu yiri Maxamed Aadan Ibraahim, oo ah sarkaal boolis oo ku sugan magaaladda Baydhabo.

Shanta ruux kale ee waxyeeladdu soo gaartey ayaa lagu waramay in ay badankood ahaa rayid, waxaana loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaaladda.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleyshiyadda Al-Shabaab.

Baydhabo oo loo tixgeliyo mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Soomaaliya ayaa qiyaastii 240 KM ayaa waxay dhanka Koonfur Galbeed kaga began tahay magaala madaxda waddanka ku yaala Geeska qaaradda Afrika ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Ballanqaaday Tallaabo Adag oo dhanka Amniga ah markii Daacish la wiiqay

Waxuu Madaxweynaha sheegay in kooxaha Al-Shabaab iyo ISIS laga saarayo gobolka Bari ee dwladda Puntland

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 09:45AM

Trump oo ka laabtay go'aan uu ka qaatey taageerada dowladda Soomaaliya

Dowladda Soomaaliya ayaa aad ugu tiirsan deeqaha dibadda oo ka dhigan 70% miisaaniyadda dalka oo sanadkii hore ahayd $1 billion.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 07:29AM