Mas'uul lagu dilay dagaal ka dhacay magaalada Jowhar

Image

JOWHAR, HirShabelle - Xoghayihii gaarka ahaa ee madaxweynaha maamulka Hirshabeelle, Cali Axmed Godad, ayaa lagu waramay in lagu dilay dagaal culus oo Arbacada maanta ah ka dhacay magaalada Jowhar.

Iska-hori-maadka ayaa, sida ay xaqiijiyeen dhowr illo wareedyo dadka degaanka iyo mas'uuliyiinta dhanka ammaanka ah, wuxuu u dhaxeeyay maleyshiyadda Macawiisley iyo ciidamo ku sugnaa bar kontarool.

Maleyshiyaadka Macawiisley ayaa la sheegay in ay weerareen bar kontarool oo ciidamadda HirShabelle ku yihiin magaalada Jowhar. Khasaaro isugu jira dhimasho ama geeri iyo dhaawac waxaa lasoo wariyey.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in isku-dhaca uu salku ku hayo xubno laga xiray Macawiisleyda kuwaasoo weerarka ku gubay gaari ay lahaayeen ilaaladda gaarka ah ee madaxwayne Cali Guudlaawe.

Iyadda oo aysan caddeyn iyo fahfaahinta qaabka uu marxuum Godad ugu geeriyoodey isku-dhaca iyo si gaar ah loo bartilmaameedsaday, xaaladda ayaa waxaa lagu waramay in xaalada ay kacsan tahay.

Jowhar oo wajaheysa xaalad bini'aadanimo sida qeybo kamid ah HirShabelle ayaa todobaadyaddii lasoo dhaafay martigelineysay dhacdooyin liddi ku ah ammaanka xilli ay kusoo fool leeyihiin doorashooyinka qaranka.

Bishaan May 16-keeda, Cutubyonka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad ee taliska Farmaajo geeyay caasimada HirShabelle ee Jowhar ayaa lagu waramay in maanta sameeyeen gadood saameeyay dadweynaha.

Sida xoguhu muujinayaan, askarta waxay xirteen waddo muhiim u ah isu-socodka rayidka iyo gaadiidka. "Askarta oo tiradoodu tahay ayaa u han-qal-taageysa in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho," ayaa yiri goobjooge.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM