Mas'uul lagu dilay Muqdisho xilli xiisad siyaasadeed ay jirto

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyihii degmada Xamar-Jajab, Maxamed Cabdi Axmed Xayle, ayaa lagu waramay in lagu dilay Ex-Control Afgooye ee duleedka Muqdisho xilli uu saarnaa mooto ayna beegsadeen kooxo hubeysan.

Weerarka qorsheysan ee lagu khaarijiyey marxuumka oo laamaha ammaanka dowladda federaalka ah aysan wax war ah kasoo saarin kana jawaabin codsiyo kala duwan oo loo diray ayaa laga soo wariyey degaanka Garasbaaley.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay maleyshiyadda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada argagxisiadda ah ee Al-Qaacida.

Balse, warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa warisay in marxuumka ay gurgiisa ugu dhaceen rag baangado ku hubeysan. Balse, ma bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan qaabka dilka uu u dhacay.

Goobjoogeyaal ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in dableyda dishay marxuumka ay ka carareen goobta kahor inta aysan meesha soo gaarin ciidamadda ammaanka oo sameeyay baaritaan natiijadooda aan la shaaicn.

Dilkan ayaa kusoo aadaya xilli magaala madaxda ay wajaheyso jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay khilaafka raagey ee doorashooyinka 2020-21 taasoo waqtigii loo balansanaa in ay qabtoonto gabi ahaanba si weyn loosoo dhaafay.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay ka gedaal markii Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka ah uu go'aan hal dhinac ah uu muddo kordhin ugu sameeyay madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM