Mas'uul sare oo isku day dil kaga badbaadey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Arbacada maanta ah ka dhacay wadada 30-ka ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, sidda ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin iyo goobjoogeyaal.

Sidda ay muujinayaan warbixinadda laga helayo illo kala duwan, qaraxan ka dhacay nawaaxiga saldhiga booliska degmada Yaaqshiid ayaa lala eegtay gaari uu la socday gudoomiyaha degmadaas, Maxamed Cabdullaahi Cariif.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa, sidda ay xoguhu caddeynayaan, waxay ka dhasheen falkaan lagu tuhmayo in Al-Shabaab ay geysatay.

"Dadka ugu badan ee waxyeeladdu soo gaartay waa ilaalada gudoomiyaha iyo dad shacab ah oo wadada marayey," ayuu Garowe Online u sheegay sarkaal sababo ku aadan in aan loo goleyn in uu saxaafada la hadlo u qariyay magaciisa.

Gudoomiye Cariif oo aan wali ka hadlin weerarkaan ayaa ka badbaadey weerarkaas jid galka ah oo u muuqda mid la doonayey in lagu khaarijiyo.

Xilli hubanti la’aanta ka taagan doorashooyinka 2020-21 ay tahay mid sii xoogeysaneysa, Al-Shabaab ayaa dhankeeda waxay u muuqataa mid ka faa'iideysaneysa mashquulka badan ee ka jira dhanka siyaasada dalka.

Falanqeeyeyaasha ayaa cod dheer waxay kaga digeen in maleyshiyada ay sii-laba-jibaari karto weerarada ay ka fuliso magaalooyinka waaweyn hadii hay'ada ku shaqada leh aysan xil gaar ah iska saarin ka hortaga iyo sugida ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM