Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo la weeraray

Image

14 September, 2015(GO)- Mas'uuliyiin ka tirsan gobolka Baay ayaa lagu weeraray qaraxyo isku xigey oo ka dhacay deegaanka Goof guduud oo 7 km u jirta magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Rashiid Cabdullaahi Maxamed guddoomiyaha gobolka Bay oo la hadlay BBC ayaa sheegay inaysan jirin wax khasaaro ah oo ka soo gaaray weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday miinooyin.

Dhinaca kale, warar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare aan la caddayn inta uu le'egyahay.

Guddoomiyaha gobolka Bay ayaa xusay inaysan aqoon cidda ka dambaysay arrintan, balse la wado baaritaanno ku aaddan cidda fulisay.

Mas'uuliyiintan ayaa deegaankaasi u tagay sidii maamul loogu sameyn lahaa dadka deegaanka, hase ahaatee intay jidka ku sii jireen ayaa lagu weerar qarax dhulka lagu aasey, wax yar ka dib markii ay tageen Goof gaduud waxaa dhacay labo qarax xilli ay la hadlayeen boqolaal dad isugu soo baxay goob loogu khudbaynayay.

Ma aha markii ugu horreysay ee la weeraro mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM