Mas'uuliyiin lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo Talaadada maanta ka dhacay degaanka Garas-baaley ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho kaasoo lala eegtay mas'uuliyiin sarre.

Sidda ay caddeynayaan warbixinadda, saddex qof oo saarnaa baabuurka ayaa ku naf-waayey miinadda oo qaraxdey barqinimadii maanta.

Mas'uuliyiinta ku geeriyootay falkaas ayaa kala ah; Cali Maxamed Macalin, gudoomiye ku xigeenka degaanka Garas-baaley, Cabdirashiid Dubad, gudoomiyaha dhalinyaradda iyo darawalka gaariga.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyada falkaas. Balse, waxaa dhacdooyinka noocaan ah looga bartay Al-Shabaab.

Dhanka kale, Al-Shabaab ayaa sheegatay in askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku dishay weerar oo ay kula eegatay agagaarka garoonka diyaaradaha Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

"Weerarkaas dabagalka ah ayaa lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamadda Midowga Afrika," ayay ku warantay warbaahinta maleyshiyadda gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacidda.

Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya sheegashadda xoogaga hubeysan. Sidoo kale, ma jiro wax kasoo baxay taliska AMISOM.

Weeraradan ayaa kusoo hagaagaya xilli ciidamadda Mareykanka ay gabi ahaanba ka hayaameen Soomaaliya una aag-basheen dalalka Jabuuti iyo Kenya halkaasoo howlgalada/duqeymaha dhanka cirka ah ay kasoo qaadi doonan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM