Mas'uuliyiin PL ka tirsan oo Kenya u jooga arrimaha qaxootiga Yemen

Image

May 28, 2015 (GO)- Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halkaasoo ay kulammo kula leeyihiin hay'adaha calamiga ah ee samafalka iyo diblumaasiyiin ka socda wadamada reer galbeedka.

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdullaahi Qoob-deero ayaa la kulmey madaxda hay'adda Humanitarian Dialogue  iyo xubno ka tirsan safaaradaha Maraykanka iyo Sweden.

Wasiir Qoob-deero oo waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in ujeedada ay Kenya u tageen tahay sidii Puntland beesha caalamka uga codsan lahayd in laga caawiyo qaabilaadda iyo maareynta kumannaanka qaxootiga ah ee kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen.

Somaliland  ayaa todobaadkan horraantiisii sheegtay inaysan hadda kadib qaabili doonin qaxootiga ka imaanaya Yemen, arrintaasoo caqabad ku ah Puntland maadaama ay culeys kala kulmi doonto qaxootiga oo badankood usoo weecanaya dhanka magaalada Boosaaso. 

Todobaadkan oo qura, waxa magaalada Bosaso soo gaarey ku dhowaad 3,000 qof. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM