Masar iyo Midowga Afrika oo ka shiray xaalada Soomaaliya

Image

QAAHIRA, Masar – Dowladda Masar iyo ururka Midowga Afrika ayaa waxay kawada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, sidda uu daabacay warsidaha maxaliga ah ee Ahram Online oo fadhigiisu yahay magaaladda Qaahira.

Wasiirka arrimaha dibadda Masar, Sameh Shoukry, iyo guddoomiyaha AU-da, Moussa Faki, ayaa shalay wadahalado waxay ku yeesheen caasimada Egypt.

Sidda ku xusan warbixinta, labadda mas'uul ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay xoojinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka Geeska Afrika.

Soomaaliya ayaa haatan isu diyaarineysa doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtinimadda oo is-mari-waa xoogan uu ka taagan yahay sidii ay u noqon lahayd mid daahfuran, waxaana socda dedaalo xal loogu raadinayo muranka.

Muqdisho iyo Qaahira ayaa xiriirkooda wuxuu sanadihii lasoo dhaafay ahaa mid hooseeya tan iyo markii Soomaaliya ay diidey in ay xulafada Sacuudiga kula biirto go'doominta haatan la qaadey oo ay saareen dowladda Qadar.

Dowladda mudo xileedkeeda sii dhacayo ee Farmaajo hogaamiyo ayaa xiriir dhow la leh Qadar oo la aaminsan yahay in ay ku taageertay ololihii doorashadda 2017-kii kana shaqeyneysa in uu soo laabto coddeynta soo aadan 2020-21.

Dhanka kale, Shoukry iyo Faki ayaa isla soo qaadey xalinta khilaafka ka taagan biyo-xireenka webiga Nile kaasoo u dhaxeeya Masar iyo Itoobiya. Labada mas'uul waxay hoosta kawada xariiqeen baahida loo qabo wada-ogol degdeg ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM