Masar oo dhaawacyo kasoo qaaday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaarad ay soo dirtay dowladda Masar ayaa maanta Muqdisho ka qaaday 20 ruux oo qaba dhaawacyo kasoo gaaray qaraxii 14-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe.

Dadkan la qaaday oo xaaladooda wax looga qaban waayay Isbitaallada Muqdisho ayaa loo duuliyay magaalada Qaahira, si halkaasi ugu helaan daryeel caafimaad oo ugu deeqday dowladda Masar.

Diyaarada qaaday dhaawacyada ayaa Muqdisho keentay deeq Daawo ah, oo gaaraysa illaa afar tan, taasi oo lagu wareejiyay Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed.

Dalka Masar ayaa noqonaya kii 4aad oo loo qaado dhawacyada qaraxii Zoobe. Kenya, Sudan iyo Turkey ayaa horey loo geeyay ku dhawaad 100 qof oo qaba dhaawac culus, kuwaasi oo 4 kamid ah ay dhinteen.

Tani ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu ku sugan yahay Masar, safarkiisa labaad tan iyo August, isagoo kulamo la leh dhigiisa Cabdifitaax Al Siisi, kadib markii uu ka qeybgalay Shirka Ganacsiga Africa 2017. Halkan ka akhri.

Al Siisi ayaa ka shaqeynaya qorsho uu isagu soo dhawaynayo Farmaajo iyo Xulufada Sacuudiga oo xiriirkooda mudooyinkii dambe aan wanaagsanayn, wixii ka dambeeyay markii dowladda Federaalka ay go'aanka dhex-dhexaadka ka qaadatay Xisada Khilaafka bishii June.

Qadar ayaa heshay fursad ay ku kasbanayso quluubta iyo maskaxda dowladda Madaxweyne Farmaajo, waxayna dhawaan shaacisay inay mashaariic horumarineed oo ku kacaya $200 oo milyan ay ka fulinayso Soomaaliya.

Mashaariicdan Qadar ayaa timid markii uu Sacuudiga fulin waayay mashaariic ay kamid yihiin wadooyin iyo Garoomo diyaaradeed oo uu balanqaaday safarkii ugu horeeyay ee uu Farmaajo ku tagey Riyadh bishii February.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM