Masar oo mowqif ka qaadatay doorashada Soomaaliya
QAAHIRA, Masar – Dowlada Masar ayaa si toos ah waxay u sheegtay in aysan xiiseynayn in ay saameyn toos ah ku yeelato doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya maalmo kadib markii socdaal laba casho qaatay uu dalkaas kaga soo laabtey ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Maxamed Nasri, danjiraha xukuumadda Qaahira u fadhiya magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa caddeeyay in ay quudareynayaan in ay Soomaalida ka caawiyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen xasilooni darada siyaasada.
"Waxbarashadu had iyo jeer waxay ka mid ahayd meelaha ugu caansan iskaashiga u dhexeeya labadeenna dal. Tobannaan sano, Masar, iyadoo adeegsanaysa nidaamka waxbarashada qaranka iyo Al-Azhar, waxay taageero waxbarasho siisay Soomaaliya," ayuu Maxamed Nasri u sheegay mareega Ahram Online.
Nasri ayaa intaas ku daray in taageeradani "ay mar walba aad u qaddarin jireen dadka Soomaaliyeed, oo aad ugu maleeyay Masar inay tahay goob waxbarasho".
"Dhab ahaantii dad badan oo caan ah oo Soomaali ah ayaa waxbarashadooda ku qaatay dugsiyada Masar ee Soomaaliya, ama macallimiin Masaari ah, ama xitaa waxay tageen jaamacadaha Masar," ayuu hadalkiisa intaas kusii daray.
Danjiraha ayaa xusay "in waxa Masar aad u danaynaysay ay tahay kor u qaadista horumarka Soomaaliya iyo ka caawinta isku-duwidda dhanka siyaasadda".
Xiriirka Soomaaliya iyo Masar ayaa sidda dowladaha qaar hoos ugu dhacay afartii sano ee lasoo dhaafay waxaana ugu wacan maamulka Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu gaarey siyaasad arrima dibadeed oo lagu waramay in ay salka ku haysay u jaranjeerida Qadar iyo Turkiga oo aysan isku fiicneyn Masar.
GAROWE ONLINE