Masar oo Shuruud Ku Xirtay Marin-badeedka Itoobiya

Image

Masar ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay la shaqeyso dalalka Afrika si Itoobiya loogu helo marin ganacsi oo ay ku gaarto Badda Cas, balse arrintaas waxay ku xiran tahay shuruudo adag. Ilo ku dhow dhow dowladda Qaahira ayaa sheegay in Addis Ababa laga doonayo dabacsanaan ku aaddan khilaafka muddada dheer ka taagan biyaha Webiga Niil, isla markaana ay ka tanaasusho qorshe kasta oo ku saabsan joogitaan milatari oo ay ku yeelato marin-biyoodkaas istiraatiijiga ah.

Soo jeedintan ayaa la sheegay in toddobaadkii hore loo gudbiyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, sidoo kalena la gaarsiiyey Washington, halkaas oo Madaxweyne Donald Trump uu hore u sheegay inuu doonayo inuu dhex-dhexaadiyo muranka tobannaan sano jirsaday ee ka dhashay saamiga biyaha Niil, gaar ahaan kadib dhismaha biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ka sameysay webiga Blue Nile.

Ilo wareedyadu waxay tilmaameen in dalabka Masar uu ku egyahay oo keliya dekedaha ku yaalla waddamada dariska la ah Itoobiya ee ay Qaahira saameynta ku leedahay — ha ahaato joogitaan ciidan ama mashaariic ay ka waddo dhismaha iyo horumarinta dekedahaas. Waxa kale oo ku lifaaqan fariin digniin ah oo ah in Masar adeegsan karto awooddeeda siyaasadeed iyo mid ciidan ee ay ku leedahay Sudan, Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo weliba joogitaankeeda badeed ee koonfurta Badda Cas, si ay u xanibto helitaanka dekedo ay Itoobiya isticmaasho haddii dalabka la diido.

Inkasta oo aan weli si rasmi ah uga hadlin Qaahira ama Addis Ababa, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dhawaan shir jaraa’id oo uu la yeeshay Madaxweynaha Turkiga ku adkeeyey baahida daran ee dalkiisu u qabo marin badeed, isagoo sheegay in koboca dhaqaale ee Itoobiya aanu sii jiri karin haddii ay ahaato dal ku xiran juqraafi ahaan oo aan bad lahayn.

Warbaahinta rasmiga ah ee Masar ayaa dhankeeda beenisay wararka ku saabsan dalabkaas, hase yeeshee ma faahfaahin shuruudaha ku xeeran ama digniinta la sheegay inay ku jirto.

Soo jeedinta Masar waxay imanaysaa xilli ay si dhow u soo dhowaadeen Ankara iyo Qaahira, iskaashi saameyn ku yeeshay colaadda Sudan iyo arrimo kale oo gobolka ah. Labada dalba waxay sidoo kale xiriir dhow la leeyihiin Soomaaliya, oo khilaaf siyaasadeed kala dhexeeyo Itoobiya.

Masar waxay muddooyinkan xoogga saareysay inay xoojiso xiriirka ay la leedahay deriska Itoobiya, oo ay ku jiraan heshiisyo milatari iyo taageero farsamo, iyadoo sidoo kale xiriir dhow la leh Eritrea — dal ay Itoobiya colaad xuduudeed hore ula gashay.

Qaahira waxay u aragtaa biyo-xireenka weyn ee Itoobiya “halis jiritaan” ku ah mustaqbalkeeda, maadaama Masar ku tiirsan tahay Webiga Niil inta badan biyaha macaan ee ay isticmaasho. Hoos-u-dhac ku yimaadda saamigeeda biyaha ayaa halis gelin kara beeraha, shaqooyinka malaayiinta qof, iyo xasilloonida cuntada dalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Masar heshiisyo horumarineed ka waddo dekedaha Doraaleh ee Jabuuti iyo Casab ee Eritrea, si ay u kordhiso saameynta ay ku leedahay marinada ganacsiga ee gobolka, kuwaas oo ku dhow marinka Bab Al-Mandab — albaabka koonfureed ee Badda Cas. Itoobiya oo bad la’aan noqotay tan iyo markii Eritrea ka go’day 1993, waxay si weyn ugu tiirsan tahay dekedda Doraaleh.

Sidoo kale waxaa la qorsheynayaa horumarinta Dekedda Port Sudan. Masar, oo leh xeeb dheer oo Badda Cas ah, waxay ku adkeysaneysaa in baddan ay si gaar ah u leeyihiin waddamada xeebta leh, isla markaana aan la oggolaan karin joogitaan joogto ah oo ay ku yeeshaan dalal aan bad lahayn.

Arrintan waxay si toos ah ugu xiran tahay diidmada Masar, Soomaaliya iyo Turkiga ee heshiis mabda’ ahaan la gaaray 2024 kaas oo Itoobiya u oggolaanayey inay hesho dhul xeebeed ay saldhig ciidan uga sameysato Somaliland. Sidoo kale saddexdan dal waxay si kulul u cambaareeyeen aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland dabayaaqadii 2025, iyagoo u arkay tallaabo saameyn amni ku yeelan karta Badda Cas.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxaa looga hadlay Shirka Kismaayo ee Madaxweyne Axmed Madoobe gudoomiyay?

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa ka warbixisay xaaladda abaareed ee ka jirta Jubaland.

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 08:13PM

Dowladda Soomaaliya oo la safatay Kuwait oo muranka xudduudda badda kala dhexeeya Iraq

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la dhowro xeerarka caalamiga ah, gaar ahaan:

  • Soomaliya

    26-02-2026

  • 07:43AM