Masar oo taageero horleh u balanqaaday Dowladda Soomaaliya

Image

QAAHIRA, Masar – Kadib weerarkii mas’uuliyiinta lagu laayey ee xarunta gobolka Banaadir, dowladda Masar ayaa waxay taageero horleh u balanqaaday Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay xukuumadda Qaahira ayaa waxaa lagu sheegay in ay si adag u cambaareyneyso falkaasi.

Xubnaha lagu khaarijiyey dhacdadaasi ayaa isugu jira gudoomiyeyaal degmo, agaasimeyaal iyo howladeeno.

"Dowladda Masar waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa qoysaska dhibaneyaasha, waxayna u rajeyneysaa dhaawacyadda soo kabasho degdeg ah," ayay tiri.

Bayaanka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu xusay in ay Soomaaliya ku garab taagan yihiin ka adkaanshiyaha Al-Shabaab.

"Dowladda Masar waxay ku garab-siineysaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada iyo argagixiadda," ayay tiri.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo dhacdadaasi qaatay mas’uuliyadeeda ayaa xusay in hadafkooda uu ahaa ergayga cusub ee Qaramada Midoobay.

"Sidoo kale, waxaan dowladda Soomaaliya ka caawineynaa dib u dhiska hay’addood oo xoogan iyo xasiloonida guud ee dalka," ayay raacineysa.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ee Jams Swan ayaa wuxuu ka baxay xafiiska duqa magaaladda Muqdisho saacado kahor inta uusan qaraxu dhicin.

Qaraxii lagu ekeeyay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho ayaa dhaliyey su'aalo horleh, kuwaasi oo laamaha ammaanka Soomaaliya la filayo in ay ka jawaaban.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM