Masiirka xiriirka Farmaajo iyo Rooble oo mugdi galay

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu mas'uul ka yahay burburka kalsoonida labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo wuxuu wadahadalka ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ka damacsanaa xagal-daacinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in Farmaajo uusan marnaba diyaar u ahayn in si daahfuran kusoo dhamaado kiiskan.

Sida laga soo xigtay wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu damacsanaa in uu kalsoonida ka dilo dadka uu magacaabay Rooble "loona tusiyo in uu ka tegi karo".

"Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo".

"Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan," ayuu hoosta ka xariiqay siyaasi Warsame.

Wuxuu kusoo xiray hadalkiisa: "Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo".

Wadaxaajoodyada Farmaajo iyo Rooble ayaa mar labaad fashilmay. Tani waxay su'aal gelisay mustaqbalka wadashaqeynta labadda mas'uul. Xafiisyadooda waxay ka gaabsadeen in ay warbaahinta uga warbixiyaan burburka shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Mareykanka oo kordhinaya joogitaankooda Soomaaliya 

Pete Hegseth, oo ah Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, ayaa ka hadlay suuragalnimada in ciidamada Mareykanka ay sii joogaan Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 12:19PM

Hogaamiye Daacish oo Soomaaliya ka qorsheynayay weerarada Mareykanka iyo Yurub oo la dilay

Mareykanka ayaa si dhow ula shaqeynaya ciidamada Puntland si loo qabsado xubnaha ISIS ee ku sugan gobolka Bari.

  • Soomaliya

    12-02-2025

  • 08:13AM