Masiirka xiriirka Farmaajo iyo Rooble oo mugdi galay

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu mas'uul ka yahay burburka kalsoonida labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtiga ka dhacay Farmaajo wuxuu wadahadalka ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ka damacsanaa xagal-daacinta kiiska Ikraan Tahliil Faarax, sida uu sheegay musharax madaxwayne.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa hoosta ka xariiqay in Farmaajo uusan marnaba diyaar u ahayn in si daahfuran kusoo dhamaado kiiskan.

Sida laga soo xigtay wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya, Farmaajo ayaa sidoo kale wuxuu damacsanaa in uu kalsoonida ka dilo dadka uu magacaabay Rooble "loona tusiyo in uu ka tegi karo".

"Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo".

"Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan," ayuu hoosta ka xariiqay siyaasi Warsame.

Wuxuu kusoo xiray hadalkiisa: "Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo".

Wadaxaajoodyada Farmaajo iyo Rooble ayaa mar labaad fashilmay. Tani waxay su'aal gelisay mustaqbalka wadashaqeynta labadda mas'uul. Xafiisyadooda waxay ka gaabsadeen in ay warbaahinta uga warbixiyaan burburka shirka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM