Mas'uul degmo oo isku day dil kaga badbaaday duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Weydow iyo KM 13 [Tareedishe] ee duleedka magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Qaraxa oo ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday kolanyo uu watay Gudoomiyaha degaanka Garasbaalley oo hoostaga maamulka gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Gamuuri, oo ka badbaaday weerarkaasi isaga oo aaney waxyeelo kasoo gaarin ayaa si kulul u cambaareyay isaga oo mas'uuliyadda dhacdadaasi dusha ka saaray Al-Shabaab.

Mas'uulkan ayaa xaqiijiyey in afar qof oo rayid ah kuwaasoo wadada marayey ay ku dhaawacmeen falkaasi, oo uusan shaacin hadii laamaha amaanka illaa iyo haatan dad lala xiriirinayo ay soo qabteen.

"Aniga ma arkin wax dhimasho ah…balse, waxaan idin sheegi karaa dhaawaca afar qof oo shacab ah," ayuu daba dhigay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii isla goobtaasi weerar jidgal ah oo ay Al-Shabaab sheegatay lagu khaarijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada xooga dalka iyo ilaallo la socotay, kuwaasi oo wadar ahaan lagu sheegay 5.

"Waanba ogeen in halkaasi ay Miinooyin ku aasayaan..laakiin waxaan kala simanahay dalka oo dhan…cidii ay khuseysay waanu u gudbinay si wax looga qabto," ayuu Gudoomiyaha xusay.

Weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday dhismayaal ku yaalla wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho habeenkii Khamiista ayaa lagu dilay in ka badan 30 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 60 kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM