Mas'uul degmo oo isku day dil kaga badbaaday duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax culus oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa Weydow iyo KM 13 [Tareedishe] ee duleedka magaaladda caasimada ah ee Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga.

Qaraxa oo ka dhashay Miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa lagu soo waramayaa in lala beegsaday kolanyo uu watay Gudoomiyaha degaanka Garasbaalley oo hoostaga maamulka gobolka Banaadir.

Cabdullaahi Gamuuri, oo ka badbaaday weerarkaasi isaga oo aaney waxyeelo kasoo gaarin ayaa si kulul u cambaareyay isaga oo mas'uuliyadda dhacdadaasi dusha ka saaray Al-Shabaab.

Mas'uulkan ayaa xaqiijiyey in afar qof oo rayid ah kuwaasoo wadada marayey ay ku dhaawacmeen falkaasi, oo uusan shaacin hadii laamaha amaanka illaa iyo haatan dad lala xiriirinayo ay soo qabteen.

"Aniga ma arkin wax dhimasho ah…balse, waxaan idin sheegi karaa dhaawaca afar qof oo shacab ah," ayuu daba dhigay.

Maalmo kahor ayay ahayd markii isla goobtaasi weerar jidgal ah oo ay Al-Shabaab sheegatay lagu khaarijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada xooga dalka iyo ilaallo la socotay, kuwaasi oo wadar ahaan lagu sheegay 5.

"Waanba ogeen in halkaasi ay Miinooyin ku aasayaan..laakiin waxaan kala simanahay dalka oo dhan…cidii ay khuseysay waanu u gudbinay si wax looga qabto," ayuu Gudoomiyaha xusay.

Weerar loo adeegsaday qaraxyo iyo mid toos ah oo lagu qaaday dhismayaal ku yaalla wadada Maka Al Mukarama ee Muqdisho habeenkii Khamiista ayaa lagu dilay in ka badan 30 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 60 kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM