Mas'uul katirsan Xukuumadda Khayre oo Musuq-maasuq loo xiray

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay xabsiga dhigay Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mas'uulkan oo lagu magacaabo Daahir Maxamed Nuur, ayaa Agaaasime ka ah Waaxda Dib u dejinta Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

Sababta ka dambeysa xarigiisa si dhab ah looma oga, laakiin warbaahinta dowladda ayaa tabineysa in loo haysto eedeymo la xiriira musuq maasuq, gaara ahaan lacago loogu talagalay dadka kusoo barakacay magaalada Muqdisho.

Kadib xiriiro uu warisdaha Garowe Online la sameeyay hoggaanka dambi baarista ee CID-da ee Muqdisho ayaa lagu ogaaday inuu Xabsiga ku jiro Agaasime Maxamed Nuur, islamarkaana ay hadda baaris ku socoto.

Faafaahinada laga helayo kiiskaan ayaa intaas ku daraya in lagu tuhmayo Maxamed Nuur inuu lunsaday lacag dhan $84,000 (Sideetan iyo Afar kun oo Doollar), oo loogu talagay in lagu caawiyo dadka Barakacyaasha ah.

Talaabadaan wali kama hadlin xukuumada Soomaaliya, laakiin waxay kusoo beegmaysaa iyadoo tiro dhowr jeer ah ay ugu cel-celiyay Ra'iisul Wasaare Khayre inuu wax ka qabanayo musuqa la sheegay inuu aafeeyay dalka.

Sikastaba, Tani ayaa waxay tooshka kusii ifineysaa wax is-dabamarin baahsan inay ku kacayaan qaar kamid ah mas'uuliyiinta Hay’adda laanta fulinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Warbixinadii ugu dambeeyay ee ay soo saartey Hay'adda Transparency International ayaa Soomaaliya ka gashay kaalimaha ugu horeeyay liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM