Mas'uul sare oo ka badbaaday Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdifitaax Xaaji Cabdulle ayaa si dirqi ah uga badbaadey qarax loogu xiray gaarigiisa kaasoo ku qarxay shalay galab gudaha magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxa uu ahaa mid culus oo laga maqlay xaafado kamid ah caasimadda, iyadoo wararka ay sheegayaan in gudoomiyaha uu ka degay gaariga kahor inta uusan qarxin.

Saraakiisha booliska Muqdisho ayaa sheegay in Gaariga lagu joojiyay meel bar-koontarool ah, oo ciidamada ay ku leeyihiin degmada Dharkeenley, islamarkaana uu goobta ku qarxay xilli la isku dayay in laga furo walxaha qarxa.

Wali lama soo warin khasaaraha dhimashad, balse wararka laga helayo laamaha amaanka ayaa sheegay in labo Askari ay ku dhaawacmeen, islamarkaana uu gudoomiyaha ka badbaaday isagoo bad-qaba.

Al Shabaab, oo ah kooxda khatarta amni ku ah Soomaaliya iyo dalalka deriska ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka lala damacsanaa in lagu khaarijiyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM