Mas'uuliyiin ka tirsan xukuumada Khayre oo shaqada laga eryay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, ayaa lagu magacaabay Agaasimaha Wasaaradda iyo Xoghayaha Joogtada ah ee isla Wasaaradda.

Cabdiqaadir Axmed Warsame, ayaa loo dhiibay xilka Xoghayaha Joogtada ee wasaaradda, halka Asad Yuusuf Afrax uu noqonayo Jagadda Agaasimaha isla Wasaaradda, sida ku cad nuqul kamid ah Wareegtadda oo uu arkay Warsidaha Garowe Online.

Xilka Xoghayaha Joogtadda ah, waxaa laga qaaday Cabdi Diirshe, halka Jagadda Agaasimaha laga xayuubiyay Cabdiqaadir Axmed Warsame oo xil cusub loo magacaabay.

Asad Yuusuf Afrax oo Agaasimaha laga dhigay uu ahaa Lataliyaha gaarka ee Wasiir Jamaal, waxaana magacaabidiisa loo arkaa inay salka hayso isbedelka cusub.

Sababta uu Wasiir Jamaal isbedelkan u sameeyay kuma cadda wareegtadda, balse, warar laysla dhex-marayo oo aanan wali la xaqiijin ayaa daboolka ka qaadaya inay salka ku hayso xurguf hoose oo Wasiir Jamaal kala dhaxeysay xubnaha uu eryay.

Waa markii ugu horeysay oo Wasiirka uu xilka qaadis iyo magacaabis sameeyo tan iyo markii xilka loo magacaabay sanadkii hore, wuxuuna kamid yahay Wasiiradda aanan marnaba xilkooda ku waayey isku shaandhayn badan uu Ra’iisul Wasaaruhu sameeyay.

Horey uma dhicin in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu si toos ah u magacaabo xubno ka tirsan Wasiiradiisa ama uu xilka ka qaado, waxaase dhici jirtay in marka hore uu ku sameeyo shaqo joojin, taasoo ka dhalan jirtay marka dambe in xilka laga qaado.

Warar Warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in xafiiska Ra’iisul Wasaara DFS Xasan Cali Khayre uu wax badan kala socdo dhaqdhaqaaqa Wasiir Jamaal, inkastoo aanan wali jirin war rasmi ah oo uu kasoo saarey, taasoo looga jawaabayo.

Wasiirka Qorshaynta ayaa kamid ah xubnaha ka tirsan Gollaha Wasiiradda aadka ugu dhow Madaxwayne Farmaajo, waxaana kahor inta aan loo dhiibay xilka Wasiirnimo uu ahaa Safiirka Soomaaliya ufadhiya dalka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM