Mas'uuliyiin ku dhaawacmay Qaraxyo ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxay khasaaraha qaraxyo gaari oo maanta oo sabti ah ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka Villa Somalia.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan katirsan Gollaha Shacabka oo lagu magacaabo Warsame Joodax ayaa isna ku dhaawacmay qaraxii koowaad oo ka dhacay Tiyaatarka Qaranka, kaasoo geystay khasaaraha uguu badan.

Wariye Cawil Daahir Salaad, oo kamid ahaa shaqaalaha Universal TV iyo saddex kale oo la socotay oo shaqo wadaag ahaayeen ayaa ku dhimatay qaraxa Tiyaatarka Qaranka.

Labada mas'uul ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen qaraxii labaad ee ka dhacay Daljirka Daahsoon, iyadoo ay ku dhinteen qaar kamida ilaaladii la socotay, inkastoo aan tirada wali la xaqiijin.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho, iyadoo sheegtay inay ku beegsatay mid kamid ah baraha koonatarool ee laga ilaaliyo Villa Somalia, islamarkaana ay ku dileen saraakiil ciidan.

Qaraxyada ayaa kusoo beegmay xilli labo maalin kahor ciidamada booliska oo lagu wareejiyay amniga caasimadda ay u dabaal degeen sanad-guuradii 75aad ee aas-aaskooda.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM