​Mas'uuliyiin sare oo Muqdishu u tagay xafladda Caleemo-saarka oo hadda socota

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Madax kala duwan oo ka socdo wadamada Geeska Africa, Jaamacada Carabta iyo diblomaasiyiin ayaa maanta gaaray magaalada Muqdishu, si ay uga qeybgaan caleema saarka Madaxweyne Farmaajo oo hadda xafladeedu ka socota hoolkii lagu doortay ee ciidamada xooga dalka.

Madaxweynayaasha Kenya, Jabuti, Ra'isal wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweyne ku-xigeenka Suudaan ayaa ka degay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, kaasoo loo galbiyay Hoolka Caleema saarka oo ah xarunta ciidanka cirka ee Afisyooni.

Mas'uuliyiin kale oo ka socoto Kuwait ayaa saakadii hore soo gaarey Muqdishu, iyadoo la sugayo kuwa kale oo lagu casuumay xafladdan.

Safiirada beesha caalamka uu fadhiya Somalia, Wakiilada Midowga Africa iyo QM ayaa sidoo kale ka qeybgalaya Munaasabada Caleema saarka Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo oo la doortay Feb 8, 2017.

Madaxweynihii hore Somalia, Xasan Sheekh iyo Ra'isal wasaaraha waqtigiisu dhammaaday ayaa iyaguna ku sugan hoolka caleemo, saarka halka ay joogaan Madaxweynayaasha maamullada Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xafladda oo khudbadaheedu billaaaban ayaa hadda waxaa socda madadaalooyin iyo heeso ay tirinayaan fannaaniinta Qaranka Somalia.

Dhanka kale, waxaana la xiray waddooyinka magaalada habeenimadii xalay, iyadoo sidoo kale la joojiya duulimaadka diyaaradaha Garoonka Aadan Cadde, marka laga reebo kuwa ay la socdeen martida Caleema saarka imaanaysa.

Jadwalka Xafladda Caleemo Saarka Madaxweynaha Somalia

6:00 – 10:30 soo gelitaanka Martida

10:30 il 11:30 Madadaalo iyo suugaan

11:30 – 11:45 Furitaanka iyo kulamadda guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada caleema-saarka Madaxweyne Farmaajo ahna wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Ceynte.

11:45 – 11:50: Aayadaha Qur’aanka Kariimka

11:50 – 12:10 Kalmadaha Wakiilka Qaramada Midoobay, xoghayaha guud ee qaramada Midoobay Macheal Keating.

12:10 – 12:30: Kalmada Wakiilka MIdowga Africa Francisco Madeira

12:30 – 12:50: Kalmadda Jabuuti: Mudane Ismaaciil Cumar Gelle

12:50 – 1:10: Kalmada Itoobiya: Hailemariam Desalegn Boshe

1:10 – 1:30: Kalmada Dowladda Kenya: Mudane Uhura Kenyatta.

1:30 – 1:50: Qudbadda Madaxweynihii hore ee Xasan Shiikh Maxamuud

1:50 – 2:20: Qudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM