​Mas'uuliyiintii Degmada Balad Xaawo oo lagu xiray Dooloow

Image

BELED XAAWO, Somalia- Mas'uuliyiinta maamulka degmada Beled Xaawo, oo loo xiray shalay dilka afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay katirsanyihiin Al shabaab, ayaa loo wareejiyay xabsiga magaalada Doolow, oo ku dhaw xadka Kenya.

Masuuliyinta oo kala ah Gudoomiyaha Balad Xaawo, Madaxa Arimaha Bulshada iyo Taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Gedo, ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen amarka lagu dilay xubnahaas oo lagu dilay xabsi ku yaalla degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Wafdi ka socda Jubbaland, oo ka yimid Kismaayo, oo ay kamid yihiin Wasiirada arrimaha Gudaha iyoo amniga ayaa gaarey Isniintii Beled-Xaawo, si ay u qaboojiyaan Xiisadaha ka dhashay dilka dhalinyarada.

Markii ay tageen magaalada, waxay islamrkiiba xabsiga dhigeen mas'uuliyiinta ugu sareysa degmada, kadib markii ay qaateen go'aan aan loo dhameyn, oo lagu toogtey afarta maxbuus, oo lagala baxay habeenkii Axada, kadibna lagu dilay banaanka magaalada.

Odayaasha deegaanka ayaa aad uga xumaaday dilka loo gaystay maxaabiista, iyadoo aan maxkamada xukun ku ridin, waxaana ka dhalatay arinta xiisado colaadeed, oo ilaa hadda ka taagan magaalada.

Waxaa lagu wadaa Mas'uuliyiinta xiran in lasoo taago Maxkamada ku taalla Doolow ama Kismaayo, oo go'aan ka gaari doonto kiiskooda, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Saraakiil ku sugan Beled-Xaawo.

Wafdiga Jubbaland ayaa isku dayaya inay qaboojiyaan Xaaladda kacsan, oo lagu soo waramayo inay sababtay barakac ay samayeen dad badan oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhaco degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM