​Mas'uuliyiintii Degmada Balad Xaawo oo lagu xiray Dooloow

Image

BELED XAAWO, Somalia- Mas'uuliyiinta maamulka degmada Beled Xaawo, oo loo xiray shalay dilka afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay katirsanyihiin Al shabaab, ayaa loo wareejiyay xabsiga magaalada Doolow, oo ku dhaw xadka Kenya.

Masuuliyinta oo kala ah Gudoomiyaha Balad Xaawo, Madaxa Arimaha Bulshada iyo Taliyaha Nabad-Sugida Gobolka Gedo, ayaa loo haystaa inay ka dambeeyeen amarka lagu dilay xubnahaas oo lagu dilay xabsi ku yaalla degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Wafdi ka socda Jubbaland, oo ka yimid Kismaayo, oo ay kamid yihiin Wasiirada arrimaha Gudaha iyoo amniga ayaa gaarey Isniintii Beled-Xaawo, si ay u qaboojiyaan Xiisadaha ka dhashay dilka dhalinyarada.

Markii ay tageen magaalada, waxay islamrkiiba xabsiga dhigeen mas'uuliyiinta ugu sareysa degmada, kadib markii ay qaateen go'aan aan loo dhameyn, oo lagu toogtey afarta maxbuus, oo lagala baxay habeenkii Axada, kadibna lagu dilay banaanka magaalada.

Odayaasha deegaanka ayaa aad uga xumaaday dilka loo gaystay maxaabiista, iyadoo aan maxkamada xukun ku ridin, waxaana ka dhalatay arinta xiisado colaadeed, oo ilaa hadda ka taagan magaalada.

Waxaa lagu wadaa Mas'uuliyiinta xiran in lasoo taago Maxkamada ku taalla Doolow ama Kismaayo, oo go'aan ka gaari doonto kiiskooda, sida ay Warsidaha Garowe Online u sheegeen Saraakiil ku sugan Beled-Xaawo.

Wafdiga Jubbaland ayaa isku dayaya inay qaboojiyaan Xaaladda kacsan, oo lagu soo waramayo inay sababtay barakac ay samayeen dad badan oo ka cabsi qaba in dagaal uu ka dhaco degmada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM