Akhriso Sababta Baaqashada Kulankii BF Somalia [Dhagayso]
MUQDISHU, Somalia - Waxaa maanta fashil uu ku yimid Kulankii Xildhibanada Barlamanaka Somalia ku yeelan lahaayeen xarunta Gollaha Shacabka, kaasi oo looga doodi lahaa ajandooyin xasaasi ah.
Gudoomiyaha Barlamanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhawaaqay in Kulanka uu baaqday saacadu gaartey 11:00 a.m. (Shan Saac Subaxnimo), kadib markii uu noqday Kooram la'aan.
Waxaa lagu waday in xildhibaanada ka doodaan go'aankii 6-dii September ka soo baxay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ee Ethiopia loogu dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.
Wararka Warsidaha Garowe Online uu helayo ayaa sheegaya inay jireen Xildhibaano taageersan Go'aankii Xukuumadda ka gaartey Kiiska Qalbi Dhagax, oo tegay Gollaha Shacabka saaka ay diideen inay saxiixaan buuga taasina ay keentay baaqashada Kulanka.
Afhayeenka Gollaha Shacabka Jawaari ayaa shaaciyay in tallaabo laga qaadayo Xildhibaanada dartood u baaqday Kulankii Maanta, waxaana uu intaasi ku daray inay arintaasi kala kulmi doonaan cawaaqib xun.
Ma uusan sheegin Mudane Jawaari tallaabada laga qaadayo Xildhibaanada diiday inay saxiixan Buuga. Wararka qaar ayaa sheegay in ay jiraan Xildhibaano badan dalka ka maqan, oo Sacuudiga u aadaygudashada waajibaadka Xajka.
Sida uu qabo Dastuurka, Kooramka kulamada Barlamanka waxay ku furmaan 139 Xildhibaan, haddii aysan soo xaadiraan 138 Xildhibaan, kulanka uu baaqanayo.
Xildhibaanada kasoo horjeeda go'aankii Xukuumadda ee arinta Qalbi Dhagax ayaa loolan adag kala kulmaya kuwa taageersan, oo tiro ahaan ka badan, taasina waxay keentay in Barlamanka kala jabo.
Xildhibaano ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay ka dambayso Baaqashada Kulanka, kadib markii ay Ciidamo badan oo Boolis iyo Military ay dhigtay Wadooyinka gala Xarunta Gollaha Shacabka, taasina ay saameyn ku yeelatay Mudaniyaasha Barlamanka.
Xildhibaanada eeda u jeediyay Xukuumadda waxaa kamid ah Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Mahad Maxamed Salaad oo sheegay in wadooyinka la xiray looga gol lahaa in lagu baajiyo kulanka maanta, oo looga hadli lahaa arinta Qalbi Dhagax.
GAROWEONLINE