Maxaa dhacaya hadii 8-da Febraayo la gaaro heshiis la’aan?
MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Farmaajo ayaa mas'uul ka noqoneysa cawaaqib kasta oo ka dhasha hadii ay qabato doorasho hal dhinac ah, sidda uu sheegay madaxweynihii Soomaaliya intii u dhaxeysay 1991 illaa 1997-dii.
Cali Mahdi Muxumad ayaa si cad wuxuu u sheegay in kala qeybsanaan baahsan ay ka dhalan karto hadii doorasho la qabto ayada oo ay maqan yihiin maamulada Puntland iyo Jubaland ama khilaaf baahsan uu ka jiro habraaca coddeynta.
Mr Muxumad ayaa ka jawaabay su'aasha ay siyaasiyiinta sidda weyn ugu kala aragti duwan yihiin ee oraneysa maxaa dhici kara hadii la gaaro heshiis la'aan 8-da Febraayo oo ku asteysan dhamaadka muddo xileedka madaxweynaha?
"[Musiibo] ayaa dhaceysa. Maxaa yeelay dadku haddey wada simaan balaayaa dhaceysa. Waan rajeynayaa in aan illaa heerkaas la isla gaarin," ayuu yiri.
Balse, wuxuu kalsooni fiican ka rajeeyay in saadaalintiisa aysan run noqon. Madaxweyne Farmaajo ayuu ku waaniyey in uu tanaasul la yimaado.
"Waan rajeynayaan madaxweynaha caqligiisa dib u fiiriyo oo la taliyeyaal fiican sameysto oo arrinta aysan meeshaas gaarin oo uu xaliyo waxa la isku qabanayo. Waxa la isku qabanaya waa wax hal saac ama laba saac ku dhamaan karo waaye," ayuu u sheegay telefishinka maxaliga ah ee Somali Cable.
Garowe Online ayaa fahansan in Farmaajo uu olole ugu jira in maamulada taabacsan – Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle – ay bilaabaan xulista Xildhibaanada, isaga oo aaminsan in Puntland iyo Jubaland laga maarmo.
"Hadii taas dhacdo dowladdan waxay mas'uul ka noqoneysaa in maamul goboleed kasta uu gooni isu taago oo uu yiraahdo dowlad ayaan ahay. Hadii taas dhacdo, dowladan waxay sahleysaa in aan qaran Soomaaliyeed oo dambe aan magaciisa dib loo maqlin," ayuu madaxweyne Cali Mahdi cod dheer ku tilmaamay.
Muddo xileedka dastuuriga ah ee madaxweyne Farmaajo waxaa ka harsan 22 maalmood oo qura. Hadii ay guuleysan waayaan, waanwaanta ay haatan waddo Qaramada Midoobay, waxaa sii xoogeysanaya walaac firaaq dastuuri ah.
Wakiilka Qaramada Midoobay, James Swan oo asbuucii hore tagay Baydhabo, ayaa daaha gedaashiisa ka abaabulaya shir ay isugu yimaadaan dowlada iyo maamulada, waxaase wali jirta diidmada Farmaajo ee in la wadahadlo.
GAROWE ONLINE