Maxaa diirada lagu saaray Shirka Gollaha Wasirada Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gollaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isagu yimid shirkoodii Todobaadlaha ahaa, kaasi oo looga dooday arrimo dhowr ah oo la xiriira xaalada dalka.

Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa shir gudoomiyay kulanka oo maanta looga hadlay amniga, Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug, shirarkii Muqdisho ka dhacay iyo warbixino laga dhageystay Wasiirada qaar.

Gollaha Wasiiradda ayaa ansixiyay qorsho amniga oo Wasaaradda Amniga soo gudbisay, kaasi oo loogu magac-daray istiraatiijiyadda amniga gudaha 2017-2022 oo saldhig u ah qorshaha horumarinta Qaranka.

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yariisow ayaa sheegay in dhinaca amniga ay ciidamada dowladda ay Afgooye ku qabteen labo xubnood oo kamid ah Al Shabaab oo dilal halkaasi ka gaystay, sidoo kalena ay jireen xubno kale oo iska dhiibay degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, ayaa warbixin ka bixiyeen heshiiskii shalay dhexmaray Galmudug iyo Ahlusuna, kaasi oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay goobjoog ka ahaayeen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad ayaa warbixin ka bixiyay Maxaabiista Seychelles oo dhowaan uu booqday iyo shirkii Africa iyo Yurub ee ka dhacay Abidjan kaasi oo uu ka qeyb galay Madaaxweyne Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM