Maxaa hortaagan in la dhiso ciidan qaran? [Wareysi]

Image
Image
Image
Image

WASHINGYON, USA - Wasiirkii hore ee Difaaca Soomaaliya xilli dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif Cabdi Xakiim Mahmuud Fiqi, ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan in la dhiso ciidamada qaranka dalka.

Fiqi oo wareysi siinayay VOA ayaa sheegay in caqabadaha ugu waa weyn ee jira ay kamid yihiin in dagaalkii sokeeye kadib in aan la sameyn dib u heshiisiin dhab ah iyo in maamul goboleedyada ay doonayaan in sameystaan malleeshiyaad gaar ah.

Mar wax laga waydiiyay in hadii la sameeyay isku dhaf ciidan ay keeni karto inay wiiqi karto awooddii dowladda dhexe, ayuu Fiqi ku jawaabey in aysan jirin cabsidaasi, maadaama ciidanka qaranka la dhisayo ay ka imaanayaan guud ahaan gobollada.

Waxa kaloo la waydiiyay tirada ciidan ee ku filan Soomaaliya, waxuu sheegay in taasi ay ku xiran tahay baahida jirta halka ay la egtahay, isagoo dhanka kale xusay in taageerada beesha caalamka ay muhiim tahay.

"Waxaa ognahay in hadii aysan Soomaaliya helin ciidan qaran oo isku dhafan, aan wadanka laga saari karin dhibaatada dhanka amniga ee hadda haysta, sidoo kalena lama gaarsiin karo nabad iyo xasilooni waarta," ayuu yiri Cabdi Xakiim Mahmuud Fiqi.

Hadalka Wasiirkii hore ee difaaca ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan uu is-casilay Wasiirkii gaashaandhigga Dowladda Federaalka kadib marki lagu farageliyay waajibaadkiisa iyo howshiisa.

Hogaamiyaasha maamul goboleedyada iyo Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka uga socdo arrimaha uga hadlayaan waxaa kamid ah amniga iyo isku dhafka ciidanka. Halkan ka akhri.

AMISOM ayaa lagu wadaa inay ka bixitaankeeda Soomaaliya billowdo 2018-ka, iyadoo mas'uuliyadda amniga dalka la doonayo inay kala wareegaan ciidamada qaranka, oo wali aan la dhameystiran dhisamahooda.

Caqabadaha ugu weyn ciidanka haysata waxaa kamid ah dhaqaalaha iyo cunaqabateynta hubka ee Gollaha amaanka saareen Soomaaliya dhowr iyo labaadan sano kahor, iyadoo aan hadda Soomaaliya soo iibsan karin hub casri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM