Maxaa ka cusub dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda wadatashiyo looga arinsanayo soo saarista liiska golaha wasiirada kamid noqonaya xukuumadda waqtigeedu gababsiga yahay ee Ra’iisal Wasaare Rooble.

Labo qodob ayaa la sheegayaa iney sabab u u tahay dib u dhaca ku yimid magacaabista golaha xukuumada. Midka kowaad ayaa ah iney jiraan In la is-waafajin la’yahay liisas kala duwan oo ay kala wataan gudoonka Barlamanka ‘Mursal iyo Muudeey”, Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin.

Halka qodobka kale uu yahay barnaamijka xukuumada cusub oo Villa Soomaaliya dooneyso in Barlamaanka ansaxiyo in laga dhigo muddo sideed bilood ah halka gudoonka Barlamaanka diidan yahay.

Gudoomiye Mursal ayaa qaba in talaabadaas u ekaaneyso muddo kororsi khilaafeysa heshiiskii siyaasadeed ee laga gaarey xiliga la qabanayo doorashada Soomaaliya.

Guddoonka Barlamanka ayaa ku canaantey Villa Somalia in qorshahaas horey loogu howlgaliyey Aqalka Hoose balse uu fashilmey kadib markii Villa Somalia ka baaqsatey soo bandhigidiisa.

Warar ayaa sheegaya in Gudoonka Barlamaanka iyo Villa Somalia xiligii xilka laga xayuubinayey Khayre balantu aheyd in muddo kororsi labo sano ah la sameeyo balse Farmaajo ka baaqsadey kadib markii cadaadis xoogan kaga yimid madaxda maamulada, mucaaradka iyo beesha caalamka.

Rooble ayaa la filayaa in uu soo magacaabo xukuumad ka shaqeysa fulinta heshiiska siyaasadeed ee dowladda iyo mamulada isla markaana waddanka u diyaarisa doorasho la isla ogol-yahay oo qaab nabadoon ku qabsoonta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM