Maxaa ka cusub Xaaladda Muqdisho iyo banaanbaxa?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xaaladda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka oo Jimco ah waxay tahay mid cakiran iyadda oo Midowga Musharaxiinta ay u rajeynayaan in uu qabsoomo isu-soo-bax nabadeed.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ciidamo badan ku daadisay waddooyinka muhiimka ah ee magaala madaxda iyo kuwa kale ee gala xarumaha Musharaxiinta ee ku dhow isgoyska KM4 bartamaha Muqdisho.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u xaqiijiyey warsidaha Garowe Online in aad loo hubinayo dadka ka gudbaya waddooyinka aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo musharaxiinta ay degan yihiin.

"Ciidamaddu waxay ku waydiinayaan halkeed ku socotaa? Aqoonsi dowladeed ma sidataa? Maxaad ka qabaneysaa halka aad u socoto," ayuu yiri qof ka gudbay kontarool ciidan oo telefoonka ugu waramay Garowe Online.

Ma cadda natiijadda kasoo bixi doonto xaaladda go'doonka u muuqata oo ay gashay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho taasoo tan iyo todobaadkii u dambeeyay ay ka socotay qaban-qaabada banaanbax ballaaran.

"Xataa dadka safraya waxaa la hubinayaa dukumiintiyadooda socdaalka," ayuu hadalkiisa ku daray,isaga oo intaas sii raaciyey: "Qofkii aan waddan dhamaan arrimahaas waxaa lagu amrayaa in uu dib u laabto".

Talaabaddan ayaa u muuqata mid looga hortagayo in aysan dadka u talaabin xarumaha Midowga Musharaxiinta isla markaana halkaas aysan uga soo bilaabin banaanbaxa ka dhanka ah Dowladda Federaalka ah.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in dowladda federaalka Soomaaliya ay xerooyinka kasoo saartay ciidamo badan gaar ahaan kuwa uu Turkiga tababaray ee loo yaqaano Gorgor iyo booliska gaarka ah ee Haramcad.

Ciidankan ayaa xalay weeraray Hotel Maa'ida ee Muqdisho halkaas oo ay degeen Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed kana socotay qaban-qaabadda iyo diyaar-garowga mudaaharaadka loo muddeeyay maanta.

Xubno kamid ah Midowga Musharaxiinta oo ay ku jiraan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmedayaa cambaareeyay falkaas, waxaana ay sheegeen in uu Farmaajo qaadayo cawaaqibka ka dhashay "weerarkaas".

Balse, wasaaradda amniga gudaha ayaa sheegtay in ay maleyshiyo hubeysan weerartay kontarool ay leeyihiin ciidamadda ammaanka, waxayna xustey in ay iska difaacdey falkaas.

"Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday. Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa," ayuu qoraal uu Telefishinka Qaranka la wadaagay ku yiri Xasan Xundubey, wasiirka amniga ee xukuumada waqtiga ka dhacay.

Isku-dhac ciidan ayaa ah cabsida ugu badan ee laga qabo in uu ka dhasho mudaaharaadka taas oo dhabaha u xaari karta xasilooni darro iyo khalkhal dhanka ammaanka arrintaas oo bar ku noqon doonto Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maamuli Doonta Howlgalka AUSSOM

Moalim ayaa sheegay in horumar weyn laga sameeyay sugida deegaanada muhiimka ah iyo ka saarista khataraha argagixisada.

  • Soomaliya

    28-02-2025

  • 12:07PM

Maxay uga hadleen Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed Kulankoodii Muqdisho?

Intaa waxaa dheer, labada hoggaamiye waxay soo dhaweeyeen billowga wadahadallada farsamo ee Ankara.

  • Soomaliya

    27-02-2025

  • 06:11PM