Maxaa ka dambeeya hadallada isku mar lagu difaacayo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga?

Image

GO— MUQDISHO Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday Xasan Sheekh Maxamuud, guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo-dhaafka ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhowr wasiir ayaa maalmihii la soo dhaafay si isku dhow u difaacay Turkiga, iyagoo cambaareeyey dadka dhaliilaya faragelinta Ankara ee arrimaha gudaha Soomaaliya.

Hadallada ayaa daba socday bannaanbaxyo iyo gubista calanka Turkiga oo ka dhacay deegaanno kamid ah Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed, kadib eedeymo sheegaya in diyaaradaha Turkigu ku lug lahaayeen weerarro ka dhacay Doolow iyo meelo kale. Turkiga iyo Dowladda Federaalka ee muddo xileedkeedu dhamaadey ayaa beeniyey faragelin siyaasadeed, halka eedeymaha weerarrada aan weli lagu xaqiijin baaritaan madax-bannaan.

Isku-duwidda farriimaha

Caddeynta ugu xooggan ee muujinaysa isku-duwidda farriimaha ayaa soo baxday 12-kii Sebteembar, markii Muqdisho lagu qabtay shir ay soo qabanqaabisay Waaxda Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka muddo xileedkiisu dhacey , Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa furay shirka. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa halkaas ka soo jeediyey in Soomaaliya iyo Turkigu sameeyaan iskaashi joogto ah oo ku saabsan dabagalka wararka, falanqaynta macluumaadka iyo jawaab degdeg ah oo laga bixiyo waxa labada dowladood ku tilmaamaan “wararka marin-habaabinta ah.”

Wasiirku wuxuu sheegay in Waaxda Isgaarsiinta Istiraatiijiga ah iyo Xafiiska La-dagaallanka Wararka Marin-habaabinta ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan hay’adaha dhiggooda ah ee Turkiga.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goob joog ahaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey Deniz Demir oo ka socday Xarunta La-dagaallanka Wararka Marin-habaabinta ee Madaxtooyada Turkiga , Mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno Soomaali iyo Turki ah iyo Madaxa Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga Burhanettin Duran oo farriin muuqaal ah jeediyey.

Tani waxay xaqiijinaysaa isku-duwid hay’adeed oo Muqdisho iyo Ankara ka dhexeysa, balse weli ma caddaynayso in Turkigu si toos ah u qoray dhammaan hadallada kala isku ujeedada ah ee lagu baahiyey warbaahinta. 

Guddoomiyaha Aqalka Shacabka muddo dhaafka ah iyo xiriirkiisa Ankara

Cabdulqaadir Maxamed Nuur wuxuu wax ku bartay Jaamacadda Ankara, muddo siddeed sano ahna wuxuu ka soo shaqeeyey safaaradda Soomaaliya ee Turkiga. Isagoo wasiirkii gaashaandhigga ahaa ayuu 2024 saxiixay heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal.

Falanqeeyayaal uu kamid yahay Rashid Abdi ayaa ku tilmaamay siyaasi si dhow ula safan Ankara oo ka shaqeeya ballaarinta danaha Turkiga. Taariikhdiisa iyo kaalintiisa shirarka xiriirka labada dal ayaa xoojinaya aragtida ah inuu yahay mas’uulka ugu weyn ee Soomaaliga ah ee dabada ka riixaya xiriirkan.

Xarunta Warsheekh iyo dayax-gacmeedka

Danaha waaweyn ee Turkiga waxaa kamid ah xarun lagu wado in laga dhiso Warsheekh, taas oo Ankara u adeegsan doonto ridista dayax-gacmeedyada iyo horumarinta barnaamijkeeda hawada sare.

Safiirkii xilka ka degayey ee Turkiga, Alper Aktaş, ayaa munaasabaddii sagootintiisa sheegay in Soomaaliya la filayo inay 2027 hawada u dirto “dayax-gacmeedkeedii ugu horreeyey.”

Hase yeeshee, warbixin hore ayaa hadalka safiirka ku fasirtay in xarunta laga ridi doono dayax-gacmeed uu Turkigu leeyahay. Dowladda Turkiguna mashruuca waxay ku xiriirisay dadaalkeeda ay ku doonayso inay si madax-bannaan hawada ugu dirto dayax-gacmeedyadeeda.

Sidaas darteed, sheegashada ah in Soomaaliya leedahay dayax-gacmeedka la qorsheynayo waxay u muuqataa mid marin-habaabin karta dadweynaha. Weli lama shaacin cidda leh dayax-gacmeedka, cidda maamuli doonta xarunta, heshiiska labada dal iyo saamiga farsamo ama dhaqaale ee Soomaaliya.

Warbixinno uu kamid yahay midka Le Monde ayaa sidoo kale sheegay in xarunta Warsheekh loo adeegsan karo tijaabinta gantaallada riddada dheer. Turkigu faahfaahin buuxda kama bixin dhinaca milateri ee mashruuca.

Danaha labada dhinac

Turkigu Soomaaliya wuxuu ku leeyahay saldhiggiisa milateri ee ugu weyn dibadda, ciidamo uu tababaray sida Gorgor, hawlgallo badeed, sahaminta shidaalka, kalluumaysiga, dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo mashruuca Warsheekh.

Dowladda Federaalka muddo-dhaafka ah waxay dhinaceeda ku tiirsan tahay taageerada milateri iyo diblomaasiyadeed ee Ankara, xilli ay wajahaysaa muran dastuur, doorashooyin aan heshiis laga gaarin iyo xiriir xumo kala dhexeysa Puntland, Jubaland iyo mucaaradka.

Ugu dambeyn fariimaha isku-dhafan waxay sidoo kale doodda ka leexinayaan su’aalaha ku saabsan cidda amartay weerarrada, sharciga lagu fuliyey iyo waxa ku qoran heshiisyada, iyagoo dhaleeceynta u rogaya arrin la xiriirta waddaniyad, saaxiibtinimo ama “warar marin-habaabin ah.”

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxaa ka dambeeya hadallada isku mar lagu difaacayo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga?

Hadallada ayaa daba socday bannaanbaxyo iyo gubista calanka Turkiga oo ka dhacay…

  • Soomaliya

    12-09-2026

  • 03:24PM

Xasan Sheekh oo ciidamo cusub u diraya Baydhabo si ay u difaacaan Aadan Madoobe

Xoogagga mucaaradka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay dhowr jeer weerarro ka geystay duleedka Baydhabo.

  • Soomaliya

    09-09-2026

  • 04:36PM