Maxaa ka jira in Muqdisho loo soo rarayo safaaradda Mareykanka ee Nairobi?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in safaaradeeda ku taala magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya loosoo wareejinayo Muqdisho horaanta bisha December ee sanadkaan 2018.

War-saxaafadeed kooban oo kasoo baxay howlgalka Mareykanka ayaa lagu shaaciyay inay ka go’an tahay xoojinta cilaaqaadka ka dhaxeeya laba dowladeed iyo sidii loosii adkayn lahaa xiriirkaasi.

Safaaradda ayaa xaqiijisay inay socdaan dadaalo ujeedkoodu yahay in joogitaan diblumaasiyadeed oo rasmi ah ay ugu yeelan lahayd gudaha dalka, inkasta oo aanu soo hadal-qaadin hadii dhismo cusub ay yeelaneyso.

“Mareykanka way ka go’an tahay inuu sarre uqaado xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaanka, oo intaas la raaciyay in shaqaalo ka tirsan howlgalka ay haatanba usoo safraan Muqdisho si ay waajibaadkooda u gutaan.

Mareykanka ayaa wuxuusan ku lahayn gudaha Soomaaliya wax safaarad ah tan iyo 1993-dii, markaasi oo ay dalka ka socdeen dagaalo sokeeye, islamarkaana Askar Ameerikaan ah lagu dilay Muqdisho.

Tan iyo xiligaasi, xukuumadda Washington waxaa howlgalkeeda dalka xaruntiisa uu ahaa wadanka Kenya gaar ahaan caasimadda Nairobi, balse sida ku cad qoraalka cusub dadaalo looga soo rarayo ayaa macquul ah.

“Mareykanka waxa uu ku howlan yahay sidii uu dib ugu soo celin lahaayeen joogitaankiisa diblumaasiyadeed ee Soomaaliya,” ayaa raaciyay warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Nairobi.

Qoraalka Saafaaradda:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM