Maxaa kasoo baxay Kulankii Mursal uu la yeeshay labadiisa ku xigeen?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaano ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo isku xil-qaamay inay xal-u helaan khilaafka soo kala dhex-galay Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa ic-laamiyay in la gaarey is afgarad.

Sharci-dejiyaasha ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu soo if-baxay is-mariwaagga, kulan-siiyay maanta oo Axad ah Afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal iyo ku xigeenadasiisa, Cabdiwali Muudey, iyo Mahad Cawad.

“Heshiis is-afgarad ah ayaa laga gaarey khilaafka gudoonka Gollaha Shacabka,” ayuu Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga.

Khilaafka Gudoomiye Mursal iyo ku xigeenadiisa oo meeshii ugu sareysay gaarey ayaa ka dhashay warbixin uu Guddiga Maaliyadda Aqalka Hoose soo saarey oo ku tagrifal maaliyadeed ku eedaysay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Guddiga oo ku kala qaybsamay warbixinta  ayaa keentay inuu kala dirro Gudoomiye ku xigeenka koowad, Muudey, taasi oo uu si cad uga soo horjeystay Mursal, oo faray Guddiga inuu shaqadiisa sii wato.

Tani oo ay faa’ido u arkeen xubnaha mucaaradka ku ah dowladda Farmaajo waxay gudbiyeen Hindiso xilka qaadis oo ka dhan ah Madaxwaynaha, iyadda oo ucok-saday Shan eedaymo oo aad ucul-culus.

Mooshinka ayaa sii kala fogeeyay gudoonka Wakiiladda shacabka – Mursal wuxuu sheegay inuu sharci yahay, oo uu isagu qabtay – halka Muudey iyo Cawad oo mid baal-marsan qanuunka ay tibaaxeen inuu buray.

Ma cadda hadii qodobadda ay ka heshiiyeen ay ku jirto qaabka ay uwajahayaan Mooshinka ka yaallo Madaxwaynaha.

Xaalad cakiran oo ka dhalatay Mooshinkaasi ayaa haatan umuuqata mid meesha ka baxaysay, inkasta oo wali aanan laga haynin Mursal inuu warbaahinta si rasmi ah ula wadaagay in la dhameeyay khilaafka kala dhaxeeyay ku xigeenadiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM