Maxaa kasoo baxay kulankii su'aallaha lagu waydiiyay Goodax Barre?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare gaar ahaan midka arrimaha bulshadda oo maanta oo Sabti ah kulmay ayaa su'aallo ka waydiiyay wasiirka waxbarashada, hadaladii uu dhowaan ku tuuray Puntland.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubnaha Aqalka Sare ku metala dowladda Puntland, kuwaasi oo ka dalbaday Wasiir Cabdullaahi Goodax Barre in uu fasiraad ka bixiyo eryadaasi kasoo yeeray.

Mr Goodax Barre, oo u waramay warbaahinta dowladda, isaga oo ka hadlaya arrimaha Imtixaanka mideysan ee wadanka, waxa uu ugu goodiyay Puntland in aysan heli doonin Shadaahooyinka maadaama ay diiday ka qaybgalka.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo lagu kalsoon yahay, wasiirka ayaa sharaxaad guud ka bixiyey hadaladaasi, isaga oo ku dooday in "si khaldan" loo turjumay, wuxuuna ka muujiyay "qoomameyn".

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Wasiir Goodax Barre uu ka codsaday xubnaha Puntland ku metala Aqalka Sare in ay soo farageliyaan arrinkaan, isla markaana loo heli xal waara oo aaney dib dambe u soo laaban.

GO ayaa ogaaday in wasiir Goodax Barre uu qiray in dastuurka uu u ogolaanayo Puntland iyo maamul goboleedyadda kale in ay u madax banaan yihiin maamulida arrimo ay kamid yihiin waxbarashadda.

Wasiirka Goodax Barre ayaa ku bogaadiyay mudanayaasha Puntland ugu jira Aqalka Sare "sida ay mas'uuliyadda ku jirto" ee ay uga soo fal-celiyeen, ayna u doonayaan in la dhameeyo arrinkaan.

Puntland ayaa ku doodeysa in ay u diiday ka qaybgalka Imtixaanka mideysan in dalka aanu lahayn Manhaj mideysan, isku haleyn Imtixaanka ay dowladdu diyaarsiso iyo heshiisyo horey u jiray.

Imtixaanka Shahaadiga ah ee Mideysan oo ay dowladda federaalka qaadey afartii sano ee ugu dambeysay ayaa waxaa kaliya ka qaybgalay maamuladda Jubbaland, Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM