Maxaa kasoo baxay maalinta koowaad ee shirka murashaxiinta ee Muqdisho?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Shirka Murashaxiinta Madaxtinimada Doorashadda Soomaaliya ee 2020-21 ayaa soo gabagaboobay maalintiisii koowaad, waxaana dhinacyadda ku heshiiyeen in ay sii wadaan kulamadda.

Daahir Maxamuud Geelle, oo kamid ah murashaxiinta isla markaana gabagabada shirka kadib u waramay warbaahinta, ayaa sheegay in ay isla meeldhigeen ahmiyadda ay leedahay ay dhacdo doorasho xalaal ah.

Dowladda ayuu cod dheer ugu baaqay in ay qabato doorasho heshiis lagu wada yahay. Guddiyadda lagu muransan yahay ee haatan dhisan ayuu dhaleeceeyay si gaar ah wuxuu u daray xubno askarta ah ee lagu daray.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ayuu si gaar ah ugu waaniyey in maamulkiisa ka shaqeeyo sidii uu u abuuri lahaa jawi siyaasadeed iyo mid doorasho arrintaasoo uu ka dhawaajiyey in ay si weyn uga soo horjeedo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in shirka uu socon doona saddex maalmood ee soo aadan dhamaadkana laga soo saaro war-murtiyeed.

Wadahadalka murashaxiinta ayaa cadaadiska ku kordhinaya dowladda waqtiga kasii dhacayo taasoo caddeysay in ay ka shaqeyneyso sidii uu u soo laaban lahaa Farmaajo, wallow aan la ogeyn in ay u suurtagaleyso.

Beesha Caalamka oo qoraal kasoo saartey guddiyadda lagu muransan yahay ayaa hoosta ka xariiqday in ay muhiim tahay in ay wada ogol ka gaaraan dhamaan daneeyeyaasha oo murashaxiinta ay safka hore kaga jiraan.

Doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya ayaa loo madalsan yahay in ay dhacdo 8-da Febraayo, halka baarlamaanka qorshuhu yahay in ay dhacdo December, hasayeeshee, waxaa ku geedaaman caalamad su’aal.

Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii 19aad ee Soomaaliya ahna murashax madaxweyne, ayaa wuxuu ka digay qalalaase uu waddanka galo hadii doorashooyinka soo aadan ay ku dhacdo iyaddoo aan lagu heshiin habraaca.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo laga reebay dalalka Afrika ee dalban kara fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga

Si kastaba, qofka wata baasaboorka caadiga ah ee Soomaaliya weli si toos ah ugama dalban karo fiisaha Turkiga internet-ka.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 04:33PM

Dagaal ka dhacay Baydhabo iyo Aadan Madoobe oo Wajahaya Caqabado ku Aaddan Hoggaaminta Koonfur Galbeed

Xaaladda Baydhabo ayaa saaka weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in dagaallo hor leh ay dib uga qarxaan magaalada.

  • Soomaliya

    16-07-2026

  • 06:19AM