Maxaa kasoo baxay wadahaladii sii daynta Roobow ee Nairobi?

Image

NAIROBI, Kenya - Wadahadallo daarnaa sii daynta Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xabsi guri ugu jiray xukuumada Farmaajo ayaa kusoo idlaaday magaaladda Nairobi, caasimada Kenya, sida uu ogaaday warsidaha Garowe Online.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, siyaasiyiin kasoo jeeda degaanada maamulkaasi, xubno matalayay ku xigeenkii hore ee Al-Shabaab iyo wakiilo ka socda beesha caalamka ayaa ka qaybgalay kulanka.

Dhow illo-wareed ayaa xaqiijiyay in ra’iisul wasaaraha xukuumada federaalka ah, Xasan Cali Khayre uu shirka uga qaybgalay dhinaca qadka telafoonka, isaga oo matalaya dowladda.

Ahmiyada ugu wayn ee wadaxaajoodka ayaa ahaa sidii xorriyadiisa loogu celin lahaa Roobow oo laga soo xiray Baydhabo, bishii December, xilligaasi oo uu ahaa musharax u taagan xilka hogaamiyaha Koonfur Galbeed.

Malaaq Maxamed Cali, oo aad ugu dhow Roobow, ayaa shaaciyay in kulanka uu kusoo gabagaboobay jawi is-fahan, isla markaana heshiis laga gaarey sii days-mada afhayeenkii hore ee xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida.

"Xogta waan hayaa, balse ma doonayo in aan ka hordhaco, heshiis ayaa laga gaarey qadiyada ku saabsan sii daynta Roobow," ayuu Malaaqa, oo telafoonka ugu waramay GO, isaga oo ku sugan Muqdisho.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed illaa iyo haatan kama aysan jawaabin isku dayo aan sameynay si aan wax uga waydiinayo arrintaan.

Bishii Febraayo 2019 ayay ahayd markii Lafta Gareen oo caasimada dalka yimid uu la kulmay Mukhtaar, kaasi oo hogaamiyaha Koonfur Galbeed, hor-dhigay shuruudo ku saabsan in uu xabsiga ka baxo. [Halkaan ka akhriso warka]

Kadib kulan uu la yeeshay Odayaasha beesha uu kasoo jeedo Roobow, isaga oo uu wehliyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, waxay si wadajir ah u balanqaadeen in ay xabsiga kasoo saari doonaan Abuu Mansuur.

Villa Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay faragelisay doorashadii Koonfur Galbeed si uu ugu soo baxo musharax gacar saar la leh ayaa u aragtay Roobow mid halis ku ah qorshaheeda iyaga oo go’aan satay in ay ka reebtay tartanka.

Xariga Mukhtaar oo uu ka dhashay rabshado ay ku dhinteen tobanaan ruux oo ku jiro Xildhibaan ayay ku muteystay xukuumada dhaleecayn caalami ah oo kaga timid beesha caalamka iyada oo ay tahay kiiskii lagu eryay wakiilkii UN-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doorashada Taariikhiga ah ee Somaliland: Shacabka oo u Dareeray Go’aaminta Hoggaan Cusub

Doorashada ayaa xiiso badan abuurtay iyadoo saadaalaha siyaasadeed ay muujinayaan…

  • Soomaliya

    13-11-2024

  • 04:13AM

Weerar lagu qaaday Akoono Facebook ah xilli khilaafaad jiro Soomaaliya

Sida xog la ururiyey ay muujineyso, weerarkaan lagu xirayo akoonada…

  • Soomaliya

    12-11-2024

  • 11:04PM