Wadahadaladii doorashooyinka Soomaaliya oo hakad ku yimid

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa baaqdey kulan ay isugu imaan lahaayeen habeenkii xalay madaxda maamul goboleedyadda Puntland, Jubaland iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dib-u-dhaca is-araggaas, sidda ay warar xog-ogaal ah tilmaamayaan, ayaa loo aaneynayaa iney sabab u tahay labadaan qodob ee kala ah;

1- In xal laga gaaro xaalada gobolka Gedo, Madaxweynaha Jubaland ayaa codsanaya in dowlada Federaalka ah ciidamada kala baxdo gobolkaas gacantana u soo galiso maamulkiisa.

2- Puntland iyo Jubaland ayaa waxaa ay si wadajir ah u codsanayaan in shirka loogu yeero madaxda Sadexda maamul goboleed ee maqan.

Warar Garowe online heley ayaa sheegeya in qodobadaan la isku hayo ay soo faragaliyeen safiirada beesha caalamka gaar ahaa safiirka dalka Mareykanka waxaana la isku afgartey in kulan hor dhac ah la isugu yimaado maanta Labada duhurnimo kaas oo farsamo ahaan lagu xalinayo arimaha taagan.

Dowlada Mareyknaka ayaa gaar ahaan safiirkeeda Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Villa Somalia iney ciidmada kala baxdo gobolka Gedo.

Dhinaca kale shalay galab waxaa aqalka uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Axmad Madoobe booqdey taliyaha ciidmada Nabad Sugida Fahad Yaasiin. Kulan kaas ayaa looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa xaalada gobolka Gedo.

Taliyaha Nabad Sugida oo siyaasada Soomaaliya faraha kula jira islamarkaana ah ninka ugu tunka weyn Xafiiska Farmaajo ayaa ku adkeystay in xaalada Gedo si farsamo ah loo gali doono.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM