Maxaa keenay baaqashada shirkii uu Farmaajo isugu yeeray maamulada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dib u dhac ayaa ku yimid Shirkii Golaha Amniga Qaranka ee todobaadkaan ka furmi lahaa magaala madaxda dalka.

Baaqashada kulanka ayaa ka dambeysay markii qaar kamid ah hogaamiyaasha maamuladda ay ka cudar-daarteed ka qaybgalka isu-imaatinkaasi.

Waa markii saddexaad oo uu u qabsoomi waayey shirkaasi soo xaadiri taan la’aan dhanka madaxwayneyaasha dowlad goboleedyada ah.

Xeel-dheerayaasha ayaa aaminsan in sababaha dib u dhaca ku keenay shirka ay kamid tahay xiriirka maamulada qaar iyo dowlada oo aan fiicneen.

Sidda ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah, sababaha waxaa kamida in dowlada aysan u fulin dowlad goboleedyada balamo ay la gashay.

Balamadaan oo la isku afgartay xafladii caleema saarka madaxda cusub ee Puntland waxaa qayb ka ahaa dib u bilaabista deeqaha laga helo caalamka.

Madaxtooyadda ayaa kaalama caalamka qoonadada ay ku leeyihiin maamul goboleedyadda ka joogisay kadib khilaafkii soo kala dhex-galay.

Aqalka dalka looga arimiyo illaa iyo haatan wax war ah kama uusan soo saarin dib u dhac ku yimid Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxda maamuladda shir ku leeyihiin magaalada Nairobi, xarunta Kenya, maalmaha soo aadan.

Dad si dhow ula socda ayaa xaqiijinaya in ay kawada hadli doonan xiriirka dhexdooda ah iyo midka ay la yeelanayaan dowlada dhexe.

Fahfaahinta ayaa intaasi raacisay in ay la balansan yihiin xubno ka socda Beesha Calamka oo ay kala hadlayaan arrimo quseeya deeqaha ay siiyaan Soomaaliya iyo xaalada siyaasadeed ee guud ahaan wadanka.

Dadka naqdiya siyaasada xukuumada Farmaajo ayaa rumeysan in ay ka gaabisay cilaaqaad dhow oo ay la yeelato maamulada taasi oo sahli karta in guulo laga gaaro howlaha muhiimka u ah qaranka.

Amniga, doorashoyinka 2020 iyo dagaalka Al-Shabaab ayay kala yihiin waxyaabaha looga fadhiyo in ay xal u hesho xukuumada hadda jirta, taasi oo u umuuqata mid aanan horumaro la taaban karo ka sameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM