Maxaa lagaga hadlay kulankii deg dega ahaa ee golaha Wasiirada Somaliya?

Image

MUQDISHU- Kulan deg deg ah ay golaha Wasiirada Dowlada Somaliya isugu yimadeen fiidkii habeenimada Axada 22 Sept, 2017 ayey kaga hadleen xaalada dalka gaar ahaan khilaafka soo kala dhexgaley maamulada Somaliya iyo dowlada Federaalka ah.

Kulankaan oo uu shir gudoominayey Ra’isal wasaare ku xigeenka xukuumada Somaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa loooga hadlay sidii loo qaboojin xaalada siyasadeed ee u dhexeysa maamul goboleedyada iyo dowlada Federaalka ah gaar ahaan xiisada ka dhalatey go’aanka Madaxweynaha maamulka Galmudug ku tageerey xulufada dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka.

Wadahadal dheer kadib ayaa sida warsidaha Garowe Online ogaadey golaha Wasiirada xukuumada Ra’isal Wasaare Khayre waxay gaareen Sadex qodob:

1- In la hagaajiyo xiriirka u dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka iyo dowlada Federaalka.

2- In maamulka Galmudug arimaheeda gudaha fargalin lagu sameyn loona daayo hay’adaheeda dowlada iney xalistaan khilaafka jira.

3- In guddi siyasadeed oo horey u jirey kana kooban xubnaha golaha Wasiirada loo xilsaaro iney furaan wadahadal lala yeesho maamulada Somaliya kuwasoo eegaya waxyaalaha la isku khilaafsan yahay.

Khilaafka u dhexeeya Galmudug iyo dowlada Federaalka ayaa cirka isku shareerey kadib markii Madaxweynaha Xaaf uu ka soo dagtey magalaada Muqdishu maalinimadii Axada isagoo sheegey in dowlada Somaliya xanibaad ku soo rogtey In diyaaradii soo qaadi laheyd kasoo dagto magaaloyinka Cadaado iyo Galkacayo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in diyaardii Madaxweynaha Galmudug kasoo qaadi laheyd Hargeysa amar lagu siiyey iney magaalada Cadaado kasoo Dagi karin sida ku cad qoraal email ah warsidaha GO arkey kasoo ay  qortey hay’ada duulista hawada.

Xiriirka u dhexeeya dowlada Federaalka iyo maamulada ayaa maraya heerkii ugu hoseeyey kadib markii isku khilaafeen mowqifka ay ka qaadatey khilaafka Khaliijka.

GAROWEONLINE 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM