Soomaaliya iyo UK oo kawada hadlay dhameystirka dastuurka

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Dastuurka xukuumadda federaalka iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya ayaa Talaadadii kulan ku yeeshay Muqdisho, caasimadda dalka.

Saalax Jaamac iyo Ben Fender ayaa kulanka ku wehliyey mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan safaarada UK iyo wasaaradda.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in kulanka lagu faaqiday doorka beesha caalamka ee dowlad dhisida Soomaaliya.

"Si gaar ah waxaa loo eegay kaalinta ay UK ka cayaari karto geedi u socodka dowlad dhisida Soomaaliya si gaar ah dib u eegista dastuurka," ayay raacisay.

Axdiga uu haatan dalku leeyahay ayaa wuxuu yahay mid qabyo ah, iyadda ay socdaan dadaalo la doonayo in lagu dhameytiro.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyadda ay isla soo qaadeen sidii loo dardargelin lahaa dhameystirka dastuurka kaasi oo haatan la tilmaamayo in uu gaabis ku socdo.

Dastuurka Soomaaliya ee ku meel gaarka ah kaasi oo illaa iyo haatan dhowr cutubyo oo kamid ah dib u eegis lagu sameeyay ayaa la ansixiyey 2012-kii.

Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan shaaciyey in maamulkan diyaar u yahay in uu doorkiisa ka cayaaro qabyo tirka dastuurka.

Sikastaba ha ahaatee, dastuurka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegaa in uu yahay midka ugu badan ee dhaqaalo lagu bixiyey marka loo eego dhigiisa caalamka bale aaney wali wax natiijo ah kasoo bixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM