Maxaa lagu gorfeeyay shirarka gaar-gaarka Garowe?

Image

GAROWE, Puntland – Madasha Aragti-wadaaga Heritage oo sanadkii afaraad lagu qabtay caasimadda dowladda Puntland ee magaalada Garowe ayaa lagu waddaa in lasoo gabagabeeyo maanta lagana soo saaro war-murtiyeed loo-dhan-yahay.

Saacadihii lasoo dhaafay, waxaa war-murtiyeedka ka shaqeynayey guddi ay ka qeybgaleyaasha u saareen si uu u noqdo mid lagu wada-qanacsan-yahay.

Shirarka looga arrin-sanayo war-murtiyeedka waxaa ka horeeyay kulan doceedyo dhexmaray madaxda dowlad goboleedyada, ra'iisul wasaare ku xigeenka, guddoonka baarlamaanka federaalka iyo xubnaha Midowga Musharaxiinta.

Sidda ay xoguhu tilmaamayaan, kulamadaas ayaa lagu lafaguray qadiyadaha ugu culus ee waddanka ka taagan si gaar ah mar-xaladda kala guurka oo si xasiloon looga gudbo iyo is-mari-waaga habraaca doorashooyinka sanadka 2020-21.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa, sidda ay warbixinada muujinayaan, wuxuu codsaday in uu isagu xaliyo khilaafka haatan taagan.

Fahfaahinada ayaa intaas ku daray in hogaamiyeyaasha isla soo qaadeen in shirka Garowe lagu casuumo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi [Farmaajo].

Kulan doceedyadda waa markii ugu horeysay mddo kadib isku arkay Ra'iisul Wasaare Ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed, iyo Afhayeenka Aqalka Sare, Cabdi Xaashi, kuwaasoo isku haya xulista xubnaha Goboladda Waqooyi.

Qadiyadda doorashooyinka wakiilada Somaliland ayaa kamid ah qodobada is-mari-waaga ka taagan yahay markii Cabdi Xaashi uu caddeeyay in aan laga talogelin guddiga xukuumadda u magacowday xulista Xildhibaanadda.

Guddoomiye Xaashi ayaa ku eedeeyay Villa Soomaaliya iyo taliska hay'adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka in ay isku dayayaan "afduubashada geedi u socodka doorashada si ay u soo saartaan sharci-dejiyeyaal daacad u ah".

Is-afgarad kasta oo hogaamiyeyaasha ku gaaraan Garowe ayaa bog cusub u furi kara is-qabqabsiga taagan kaasoo sababay in uu burburo jadwalka doorashadda iyo in xeer-dejinta waqtiga ka dhamaado ayada oo bedelkooda lasoo xulin.

Tani ayaa xoojisay walaac ku aadan in madaxweynaha iyo xukuumadda uu muddo xileedka dastuuriga ka dhaco iyadda oo aan heshiis wada ogol ah laga gaarin geedi u socodka doorashadda arrintaas oo horseedeysa firaaq hogaanka dalka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM