Farmaajo oo u safray Japan si uu kaga qeybgalayo shir madaxeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Japan oo uu ka furmayo Shir Madaxeedka 7aad ee Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD).

Shirweynaha oo socon doona muddada u dhexaysa 28-ka ilaa 30-ka bishan ayaa Madaxda dalalka ku bahoobay madashan, Ururrada Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika, maalgashadeyaasha iyo khubarradu waxaa ay kaga arrinsan doonaan mustaqbalka xiriirka labada dhinac, ka faa’iidaysiga fursadaha tiknoloojiyadda, kor u qaadista iskaashiga dhinacyada amniga, socdaalka, horumarinta xirfadaha, shaqo abuurka, xuquuqda aadanaha, dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynuhu ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Yokohama ee marti-gelinaysa shirka waxa ay kulan doceedyo la yeelan doonaan qaar kamid ah madaxda kasoo qeyb galaysa.

Shirkan waxaa ka soo qayb-galaya Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo Japan, Hay’adda Qaramada Midoobey ee Horumarinta, Bangiga Adduunka iyo Golaha Guddiga Midowga Afrika.

Wafdiga Madaxweynaha ee Soomaaliya ku matalaya shirkan waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) iyo .La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda Mudane Balal Maxamed Cusmaan.

Villa Soomaaliya

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM