Saxiixa heshiiska shidaalka Soomaaliya oo dib-u-dhacay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wafdiga shirkadaha Liberty iyo Coastline ee lagu waddo in ay heshiiska shidaal baarista, sahminta iyo qodista la galaan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay waxay ku hoydeen caasimada Muqdisho.

Joogitaanka wafdiga ayaa ka dambeysay markii dib-u-dhac uu ku yimid saxiixa heshiisyadda oo lagu filayeyin qalinka lagu guudo Isniintii shalay.

Warsidaha Garowe Online oo la hadlay dad si dhow ula socda kiiskan ayaa ogaadey in baaqashada ay salka ku hayso diidmadda ay heshiisyadaas ka muujiyeen Wasaarada Maaliyada Soomaaliya iyo Bangiga Aduunka.

Wasaaradda iyo Baanka Aduunka ayaa ku doodaya in heshiisyadan ay waxyeelo u geysan karaan wejiga shanaad ee geedi u socodka barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya – kaasoo waddanka uu hadda marayo wejigiisii labaad.

"Dood dheer oo ay miiska keeneen Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Aduunka ayaa sababtay in wadahadalo dheeraan tan iyo xalay, waxaana wadaxaajoodyaddaas dheeraadey awadeed ay sababtay in dib-u-dhac ku yimaada munaasabada saxiixa," ayay sheegeen illo wareedyada la hadlay GO.

Fahfaahinada illaa haatan la helay ayaa muujinaya in aysan kala caddeyn hadii heshiisyadda la saxiixi doono Talaadada maanta ah 5-ta Janaayo, 2020.

Ubucda heshiisyadda

Sidda ay xoguhu caddeynayaan, heshiisyadan waxaa saamiley ka ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed. Xirmooyinka shidaal baaris, sahminta iyo qodista lagu sameynayo waxay ku yaalaan magaalooyinka Hobyo iyo Baraawe.

Madaxda dowlad goboleedyadda ayaa daneynaya in ay qaataan lacagta lagu siinayo saxiixa. Madaxweyne Farmaajo wuxuu quudareynayaa in heshiisyadan uga faa'iideysto in maamulada u soo xulaan sharci-dejiyeyaal taabacsan.

Wafdiga shirkadaha Liberty iyo Coastline ayaa kasoo kicitamay Turkiga – oo ah dal sanadihii ugu dambeeyay isku dayay in uu gacanta ku dhigo ilaha ugu muhiimsan ee kheyraadka Soomaaliya, dowlada Farmaajana aad ugu dhowaa.

Shirkadda Liberty ayaa laga leeyahay Mareykanka, halka Coastline oo horey loo oran-jiray Som Oil & Gas ay xarunteedu yahay waddanka Ingiriiska.

Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya 2020-21 oo ka digay heshiisyadan ayaa ugu baaqay madaxda maamulada in ay kasoo horjeestaan, baarlamaankana, xeer-ilaalinta iyo hanti-dhowrana ku booriyey baaris iyo dabagal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fahfaahin cusub oo laga helay kulankii Xamse iyo wafdiga dowlada Kenya

Kulankan ayaa qeyb ka ahaa isku-dayada Villa Soomaaliya ku cadaadineyso maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:10PM

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Bayaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kulankan uu ku qotomo horumarinta wadashaqeynta.

  • Soomaliya

    14-11-2024

  • 12:06PM