Maxaa sababay in ay UK dib u bilawdo taageerada Booliska KG?

Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in ay dib u bilawday taageerada maaliyadeed oo ay siiso Booliska maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii UK oo ay wehliyaan Midowga Yurub iyo Germany ay shaaciyeen in ay hakiyeen taageerada Booliska maamulkaasi.

Tani waxay ka dambeysay markii ay xoogaga dowlada ku lug-yeesheen rabshado lagu laayay dad shacab ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa lagu eedeeyay in ay rasaas nool-nool u adeegsadeen dibad-baxayaasha, taasoo dhalisay khasaaro naf iyo maal.

Rabshadaha oo dhacay intii ay socotay doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa ka dambeysay xariga Mukhtaar Roobow.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux oo ku jiro Xildhibaan ayaa ku geeriyootay, halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, oo ahaa taageerayaasha Roobow.

"Dhamaan arrimihii keenay in aan joojino taageerada waa la xaliyay, taasi ayaana keentay in aan dib u bilawno" ayuu yiri Ben Fender, safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa 5-tii Janaayo guddi u saarey baaritaanka shaqaaqadii ka dhacday caasimada gobolka Bay.

Hasayeeshee, wali ma jirto warbixin ku saabsan waxyeelada iyo sababta dhalisay ficilada ciidamada oo uu soo saarey Guddigaasi tan iyo markii la magacaabay.

Dowlada dhexe oo dusha laga saarey mas’uuliyada wixii ka dhacay Baydhabo ayaa sheegtay in ay magdhow siineyso qoysaska dadkii wax ku noqday rabshadaha.

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in wasiirka amniga uu sharaxaad ka bixiyo wixii ka dhacay xarunta KMG Koonfur Galbeed, balse falcelinta dowlada ayaa noqotay in dalka ka eriday wakiilkii UN-ka ee Nicholas Haysom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM