Maxaa sababay in ay UK dib u bilawdo taageerada Booliska KG?

Image
Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Dowladda Ingiriiska ayaa shaacisay in ay dib u bilawday taageerada maaliyadeed oo ay siiso Booliska maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Bishii Janaayo ayay ahayd markii UK oo ay wehliyaan Midowga Yurub iyo Germany ay shaaciyeen in ay hakiyeen taageerada Booliska maamulkaasi.

Tani waxay ka dambeysay markii ay xoogaga dowlada ku lug-yeesheen rabshado lagu laayay dad shacab ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo.

Ciidamada ayaa lagu eedeeyay in ay rasaas nool-nool u adeegsadeen dibad-baxayaasha, taasoo dhalisay khasaaro naf iyo maal.

Rabshadaha oo dhacay intii ay socotay doorashada madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa ka dambeysay xariga Mukhtaar Roobow.

Inta la xaqiijiyay 10 ruux oo ku jiro Xildhibaan ayaa ku geeriyootay, halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, oo ahaa taageerayaasha Roobow.

"Dhamaan arrimihii keenay in aan joojino taageerada waa la xaliyay, taasi ayaana keentay in aan dib u bilawno" ayuu yiri Ben Fender, safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho.

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa 5-tii Janaayo guddi u saarey baaritaanka shaqaaqadii ka dhacday caasimada gobolka Bay.

Hasayeeshee, wali ma jirto warbixin ku saabsan waxyeelada iyo sababta dhalisay ficilada ciidamada oo uu soo saarey Guddigaasi tan iyo markii la magacaabay.

Dowlada dhexe oo dusha laga saarey mas’uuliyada wixii ka dhacay Baydhabo ayaa sheegtay in ay magdhow siineyso qoysaska dadkii wax ku noqday rabshadaha.

Qaramada Midoobay ayaa dalbatay in wasiirka amniga uu sharaxaad ka bixiyo wixii ka dhacay xarunta KMG Koonfur Galbeed, balse falcelinta dowlada ayaa noqotay in dalka ka eriday wakiilkii UN-ka ee Nicholas Haysom.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM